KAMA-DAALAYNO-MARNABA-AQOONSI-DOONKA-JSLN

 

Gudoomiyaha wakaalada qurbajoogta somaliland mudane abdirahman abdulahi xirsi, iyo qaar ka mid ah odayaasha gaws danbeedka iyo qaar ka mid ah gudidii citiraaf doonka laguna ansixiyey isla goobtaas.

Mudanayaal iyo marwooyinb.
dhamaan aqrista yaal , ama dhamaan shacabka reer somaliland meel kasta oo ay ku kala sugan ytihiinba sidaa nooga barateen waa lagama maarmaan inaan isla socod siino hadba waqtigaa xaadirka ah hawsha markaa gacanta lagu hayo taas oo ujeedada ka danbaysaana tahay sidii aynu inagu isku hadaf iyo ujeeda ah aynu uga midha dhalin lahayn hadba habka aynu diirada ku saarno inuu yahay kii aqoonsi doonka somaliland lagu soo dhiraan,dhirinkaro ama ugu suurto galsan iyadoo mudnaantu tahay midnimo iyo wada jir buuxa oo shacabku garbaha isku haystaan sida ka muuqata ama ku cad sawirkan kor ku xusan.

markaan intaa ka gudbo.
bulshada reer somaliland ee ku dhaqan dalkan holland waxay si cad ula qaadatay oo soo dhoweynsey Gudoomiyaha wakaalada qurbajoogta mudane abdirahman abdulahi dayaxweerar .Waxayna bulshada reer somaliland ee ku dhaqankan dalkan holland marqaati cad ka yihiin oo ku hanbalyaynayaan madaxweynaha jsln mudane Ahmed Mahamem inuu u doortay booskan isaga ah shiqsi karti iyo aqoonba u leh kaas oo ah mudanaha hogaanka u ah wakaalada qurbajoogta ahna run ahaan tii madaale ama isusoo jiide xitaa hadii ay jiraan kuwo is aragti diidaniba aadna shacabkan reer holland waanu ka mafsuudnay sida wanaagsan ee mudadii uu halkan nagula sugnaa u daadihnayey shaqadaa iyada ah ee madaxweyneheenu u igmaday.

Sidaan lawada soconona dalalka kale laftigoodu Waxay ahaayeen kuwo ka amaan sheeganaya kuna qanacsanaa sida uu uga soo dhisay gudidaa aqoonsi doonka ah guud ahaana shacabka reer somaliland maaseejkani wuxuu ahaa mid ay guud ahaanba soo wada dhoweeyeen.

Laakiin waxaa iyaduna xaqiiqo cad ah markasta iyo goobkastaba inay kuwo marinku ka qaldamay ama maskax ahaan aan caadi ahayni ku dhexjirayaan bulshakasta oo daneheeda ka tashanaysaamaba iyaga cid kale dhaansato kuwa noocaas ahi waa dad qaarkood beri hore waashay laakiin dharkii sita bulshaduna moodayso inay miyir qabaan laakiin xaqiiqadu ay tahay inaanu maskax ahaan sidii noormalka ahay u shaqaynayn.

Gudoomiyaha iyo cidkasta oo madaxda qaranka ka mid ahna waanu ka raali gelinaynaa waanuna ka raali gelin doonaa.

idinka laftiina waa inaa lasocotaan
kuwaas dhibirka qabaa haddii ay hadalo idinka daba tuuraan inaan bulshada kale ee debeda ku dhaqani raali ka ahayn amaba iyaga laftoodu caadi ahayn .

ugu danbayntii dalkayaga iyo madaxdayada markasta iyo goobkastaba waa kuwo aanu ku kalsoonahay garabtaaganahayna garabtaagnaandoonaana ( insha alaah )
somaliland guul iyo gobanimo.

wabilaahi tawfiiq.
by xasancade

Cammaara.ca
Sahal114@Hotmail.com
Aden79@gmial.com

Cammaara2015

breaking news & current latest somalian news headlines; national weather forecasts & predictions, local news videos, money and financial news; sports ...

You May Also Like

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *