Taliyaha Ciidanka Difaaca ee Puntland General Saciid Dheere uu siiyay General Muxiyadiin Dhageyso Codkiisa iwm Ah

Go’doonka waa in lagu hayaa ilaa ay iska dhiibayaan haraadiga Argagaxisada Dhimashada iyo Dhaawaca Askarteena waa inuu yaradaa 100%:Amar xeeladaysan oo Taliyaha Ciidanka Difaaca ee Puntland General Saciid Dheere uu siiyay General Muxiyadiin

Taliyaha Ciidanka Difaaca ee Puntland General-Saciid-Dheere ayaa amar ku siiyay Ciidamadda Puntland ee ku suggan God Xeebeedka Suuj ee ay ku dhuumalaysanayaan Argagaxisadda inay go’doonka ku hayaan Kooxda Firxadka ah ee Togga Suuj,ilaa ay isku soo dhiibayanaan.

Halkan Riix Si’Aad U dhageysato Codka

 

General Muxiyadiin oo hogaaminayo Ciidamadda Godka Suuj oo saxaafada  la xiriiryay ayaa  xaqiijiiyay,Meydad tiro-badan iyo dhaawac inay daad.san-yihiin Godka Suuj,waxaana uu noo xaqjiiyay inay qaateen taladii General Saciid-dheere oo Ciidankiisa ku amray,inay dhimashadooda iyo dhaawacdooda 100% yaraato,oo ay go’doonka ku hayaan firxadka Argagaxisadda ilaa ay iska soo dhiibayaan,xitaa hadii ay Usbuus qaadato.

 Inta La Og yahay 2-Askar oo qura oo dhaawacooda aad u sahlan-yahay inay soo gaareen Ciidamadda Puntland ee Hubka cul-culus marna Hubka fud-fudud ku garaacaya Firxadka Argagaxisadda oo General Saciid-Dheere talo ku siiyay Ciidamadda inay khasaarahooda yareeyeen oo go’doonka ay ku hayaan ilaa iyo inta ay Argagaxisada iska soo dhiibayaan,xitaa hadii ay Usbuuc qaadato,maadaama aysan sahan iyo rasaas ku filan aysan heysan,Meydad iyo dhaawacna uu ka buuxo Godadka ay ku dhuumanayaan ee Suuj.

Cammaara.ca
Sahal114@Hotmail.com
Aden79@gmial.com

Cammaara2015

breaking news & current latest somalian news headlines; national weather forecasts & predictions, local news videos, money and financial news; sports ...

You May Also Like

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *