Dagaal-Ooge Cabdi-Waal oo Nairobi lagu xiray loona gacan-galiyay Dawlada Federaalka(Ninkan ayaa loo heystaa Qaraxyadii Hotel-Aljazeera Muqdisho

Dagaal-Ooge Cabdi-Waal oo lagu xasuusto Shacabka Koonfurta-Soomaaliya,xasuuqii uu u geystay,markii dambana ku biiray Koox-Diimeedka Suufiyadda ee Ahlusunnah-Waljameeca oo qudhooda Mooryaan u badnaa,balse Suufiyadda Ahlusunnah la baxay,ayaa isagoo katiinadaysan laga dejiyay Garoonka Aadan-Cadde ee Muqdisho.

Dagaal-Ooge Cabdi-Waal ayaa laga qabtay,isagoo Shaah ka cabaya Maqaayad ku taal Magalaadda Islii ee Nairobi,waxaana qabashadiisa iska kaashaday,Sirdoonka Soomaaliya ee NISA iyo Sirdoonka Kenya,waxaana loo heystaa lugtii uu ku lahaa qaraxii lagu halaagsamay 2014 ee Dadka badan lagu laayay Hotel-Al-Jaziira.

Nasiib-daradda Soomaalidda heysato waxaa ka mid ah,Ninkan Dagaal-Oogaha ah,meeshii la rabay in lagu farxo qabashadiisa,waxaar arkaysaa kuwa ku doodaya inuu yahay Halyeey,maadaama ay halyeeyka u yaqaaniin Mooryaanka Dadka xasuuqa ee Xoolahoodda dhaca,Soomaalina rajjo ha ka sugin inay isu timaado,inta Dagaal-Oogaha Dadka qaarkiis ay u heystaan Halyeey.

 

Cammaara2015

breaking news & current latest somalian news headlines; national weather forecasts & predictions, local news videos, money and financial news; sports ...

You May Also Like

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *