Ciidamo ka wada tirsan Dowlada FD oo ku sugan Gobolka GEDO oo Raashin ku dagaalamay

Ciidamo ka wada tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa maanta ku dagaalamay Degmada Buurdhuubo Ee Gobolka Gedo,waxaana dagaalka ku dhintay inta la Og yahay Hal Askari oo ka tirsanaa Ciidamada Dagaalamay.

Wararka ayaa sheegay in Ciidamada ay isku dagaaleen Raashin loo qeybinayay Ciidamada Dowladda ee ku sugan Degmada Buurdhuubo Ee Gobolka Gedo.

Goobjoogeyaal ayaa Xaqiijiyay in Dagaalka uu Hakad galiyay isku socodka Dadka iyo Ganacsiga Degmada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda ee Degmada ku sugan oo aan la xariirnay ayaa noo sheegay in ay ku Howlan yihiin sidii ay u Xalin lahaayen Xiisadda halkaa ka taagan.

Dadka Shacabka  ee ku nool Degmada Buurdhuubo ayaa walaac ka muujiyay Dirirta dhex martay Ciidamada ka wada tirsan Milatariga Soomaaliya

Cammaara.ca
Sahal114@Hotmail.com
Aden79@gmial.com

 

Cammaara2015

breaking news & current latest somalian news headlines; national weather forecasts & predictions, local news videos, money and financial news; sports ...

You May Also Like

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *