Sahra Halgan oo Ku Suntan Halgankii S/Land Haloogu Daro Magaceeda Hormuud Haween, Hufnaan Haween, & Halyeeya Dumar. –

 

 

Sahra Halgan oo Ku Suntan Halgankii S/Land Haloogu Daro Magaceeda Hormuud Haween, Hufnaan Haween, & Halyeeya Dumar.

Horta Raga Ayuu Lagu Magaacaabaa Mujaahid, Sahra Halgan & Dumar Badana Waa In
Loogu Yeedhaa Mujaahidad Heblaayo, Hadaba Sahra Halgan Waxaan Goob Joog ahaa oo
aan Ku Arkay Geed-Deeble, Waxaan Cajalado Ka Daawaday Iyada & Maxad Yuusud, Ilaahay
Haw Naxariistee, Boon Xirsi, Cabdinaasir Macalin Caydiid, Axmed Diyaar & Rag Badan oo Qaar-
na Dhinteen Qaarna Nool Yihiin,oo Dadkii Qaxay oo Diifta & dhibaatada Haysta, Hadana ay
Gubaabo & Dhabar Adayg ay Ku Maaweelinayaan, Hala Bixiyo Duunyada, Hala Galo Dagaalada

Waxba Yaan Dib Loo dhigan.

Bal Hadaba, Sahra Halgan Markii Halgankii Dhamaaday, Debeda ayey Qabatay, Hadana Kumay
Sii Negaan ee Dal Jacaylkii ayey Hadana Wadankeedii Ku Soo Guryo oqotay, oo ay Hanti Gelisay

Sidaa Xarunta Hida Dhawr ee argeysa.

Hadaba, Waxa Qoraalkan Inaan Sahra Halgan Kaga Warano Igu Kelifay, Markaan arkay dal Jacaylka
Ka Muuqda & Inay Ka Shaqaynayso Si Wadanku Hore ugu Sii Socdo, oo Qabyaaladan & Eexdan &
Nin Jeclaysigan Wadankii Lagu Jaha Wareeriyey, Looga Baxo, In Gobolada Dalka Halkii Magac & Muu-
qaba Leh Loogu Bixiyo Qof magac Kale oo Gobol Kale ka Soo Jeedo, oo Looga Baxo Qabyaalada oo
Umadu Isdhex Gasho, oo ay Ku Baaqday In Dekeda Berbera Loo Bixiyo Dekeda Boodhari.
sidaas Darteed, Hambalyo Sahra Halgan, Magaacaga ayaa Ka Marag Kacaya Inaad Wadanka Horana
u Jeclayd, Welina aad Jeceshay, weligaana Sidaa u Jecloow, Ilaahayna Haku Xafido.

Cammaara.ca
Sahal114@Hotmail.com
Aden79@gmial.com 

 

 

Cammaara2015

breaking news & current latest somalian news headlines; national weather forecasts & predictions, local news videos, money and financial news; sports ...

You May Also Like

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *