Jabuuti iyo Qaramada Midoobay oo ka wada-hadlay doorashada Soomaaliya ka dhacaysa

Wakiilka cusub ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya,Michael Keating ayaa kulan gaar ah la qaatay madaxweynaha Jabuuti,Ismaacil Cumar Geelle oo la sheegay inay ka wada-hadleen arrimo la xiriira Soomaaliya iyo doorashada ka dhacaysa.

Dowladda Jabuuti,waxaa ay ku sheegtay war-saxaafadeed ay uga hadashay madaxweyne Geelle iyo wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya kulankoodii in la isku afgartay sidii dowladda Soomaaliya looga taageerri lahaa dhanka hayadaha dowlada, awoodaha howlgalka iyo qalabeynta ciidamada booliska iyo militariga Soomaaliya.

Waxaa kalo ay warka lugu sheegay in la isku afgartay sidii loo qaabeyn lahaa hab cusub oo ay ku howlgali doonan ciidamada AMISOM ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya.

Ugu dambeyn,wakiilka Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya oo saxaafadda la hadlay waxuu u mahadceliyay dowladda Jabuuti iyo doorka ay ka ciyaartay howlgalka AMISOM ee ka socdo dalka Soomaaliya, waxaana Jabuuti ciidamo ay ka joogaan Soomaaliya tan iyo sanadkii 2011.

Cammaara.ca
Sahal114@Hotmail.com
Aden79@gmial.com

.

Cammaara2015

breaking news & current latest somalian news headlines; national weather forecasts & predictions, local news videos, money and financial news; sports ...

You May Also Like

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *