Askari Ka Tirsan Qaramada Midoobay Oo Ku Dhintay Xeebta Muqdisho

 

Waxey Aheyd  Isniinta.. maalin murugo leh ayay u ahayd Howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Marka laga soo tago dilalkii Aamina Maxamed Nuur oo ka tirsanayd hay’adda UNHCR iyo Cabdirsaaq Aadan Caddaawe oo isna ka tirsanaa hay’ad iskaashi la leh UNHCR, xeebta Xalane ee Muqdisho ayaa liqday askari ka tirsanaa ciidanka ilaalada xafiisyada iyo shaqaalaha Qaramada Midoobay ee United Nations Guard Unit (UNGU).

Warka qoraalka ee xafiiska Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay inay aad uga xun yihiin dhimashooyinka shalay dhacay, waxayna tacsi u direen qoysaska iyo qaraabada xubnaha dhintay.

Sanadkii hore ayay ahayd markii shaqaale ka tirsan Qaramada Midoobay oo ku dabbaalanayay xeebta Xalane uu soo weeraray libaax badeed, kaas oo gaarsiiyay dhaawac halis ah.

Sahal114@Hotmail.com

Aden79@gmial.com

Cammaara.ca

.

Cammaara2015

breaking news & current latest somalian news headlines; national weather forecasts & predictions, local news videos, money and financial news; sports ...

You May Also Like

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *