Itoobiya oo ciidamo geysay Degmada Dhuusamareeb Ee G/Galgaduud

Ciidamo hor leh oo ka socda dowladda Itoobiya ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb oo xarun u ah gobolka Galgaduud,sida waxaa sheegay dadka deegaanka.

Waxaa waheliyay ciidamadan gaadiid dagaal,waxeyna saldhigyo ka sameysteen qaybo ka mid ah magaalada oo maalmihii ugu dambeysay ku jirtay jawi dagaal.

“Ciidamo ka soo tagay magaalada Baladweyne ayaa soo gaaray Dhuusamareeb,waana ciidan Itoobiyaan ah,“ayuu yiri Maxamed Nuux oo ka mid ah bulshada Dhuusamareeb.

Lama ogaha ujeedooyinka ka dambeeya ciidamada ay dowladda Itoobiya geysay magaalada Dhuusamareeb.

Itoobiya waxaa ay qayb ka tahay howlgalka nabad soo celinta Soomaaliya ee magaciisu yahay AMISOM,waxaana qaybo ka mid ah gobolka Galgaduud horay ugu sugnaa tiro badan oo ciidankooda ah.

Ciidamadan waxay ku soo aadayaan,iyadoo maalin ka hor ay ku dagaallameen gudaha magaalada Dhuusamareeb ciidan uu hoggaaminayo sarkaal horay uga tirsana militariga dowladda  iyo ciidanka Ahlusunna oo gacanta ku haya magaalada.

Cammaara.ca
Sahal114@Hotmail.com
Aden79@gmial.com

.

Cammaara2015

breaking news & current latest somalian news headlines; national weather forecasts & predictions, local news videos, money and financial news; sports ...

You May Also Like

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *