Xasan Culusow Oo Magaalada Marka U Soo Diray Dhagar-qabeyaasha Kala Ah: Diirshe(Habargidir) Iyo Hurdaaye(Abgaal) Si Ay U Barakiciyaan Shacabka Biimaal(Warbixin)

Xasan Culusow Oo Magaalada Marka U Soo Diray Dhagar-qabeyaasha Kala Ah: Diirshe(Habargidir) Iyo Hurdaaye(Abgaal) Si Ay U Barakiciyaan Shacabka Biimaal(Warbixin)

Waxaa xaalad Cakirnaan ah ku sugan magaalada Marka oo maalmihii ugu dambeeyey amnigeeda aad u liitay. Waxaa gabi ahaan xiran Dhaqdhaqaaqii dadka iyo ganacsiga Suuqyada degmada Marka, ganacsatada magaalada Marka waxay ka cabsanayaan in maleeshiyaadka Hawiye ay boobaan hantidooda haddii dukaamada iyo Suuqa la furo. Waxaa shaley Kawaanka Malaayga ee duleedka bari ee magaalada lagu dilay nin dhalinyaro ah oo dadka deegaanka ka tirsan kadib markii uu bixin waayey lacag baad ah oo ay weydiisteen mooryaanta Habargidir ee uu Goobaale hogaaminaayey.
Sida aan horey u baahinay, waxaa xaley magaalada Marka soo galay maleeshiyaad cusub oo Hawiye ah, waxaa hogaaminayo maleeshiyaadkan cusub horjoogeyaasha kala ah Xasan Diirshe(Habargidir) iyo C/laahi Hurdaaye (Abgaal).
Sida qorshaha mooryaanta Hawiye uu ahaa, waxaa saakey magaalada Marka isaga baxay maleeshiyaadka uu hogaaminayey Goobaale iyagoo u dhaqaaqay dhanka Shalambood iyo Buulo Mareer. Waxaa jiro maleeshiyo kale oo u soo gudbay dhanka magaalada Muqdisho waxaana hogaaminayey C/laahi Macalin Nuur iyo C/qaadir Bacbacle.
Horjoogaha ugu darajo sareeyo maleeshiyaadka dowladda Hawiye ee lagu magacaabo Saney (Abgaal) ayaa lagu soo waramayaa inuu weli joogo gudaha magaalada Marka, wuxuu hubsanayaa in maleeshiyaadka Xasan Diirshe iyo C/laahi Hurdaaye si fiican u saldhigtaan xarumaha maamulka iyo Iskoolada degmada Marka.
Xasan Diirshe ayaa ah dhagarqabe Hababargidir ah oo maleeshiyaad u hogaaminaayey muddo 3 sano la dagaalamayeen shacabka beesha Biimaal, Xasan Diirshe wuxuu ku dhaawacmay dagaal maleeshiyaadkiisa iyo ciidamada Biimaal ku dhexmaray deegaano Sh.hoose ka tirsan. Dhagarqabahan iyo iyo maleeshiyaadka uu hogaaminayo waxay gubeen tuulooyin dhan oo ay deganaayeen dad masaakiin ah oo beesha Biimaal u dhashay, waxaa ka mid ah meelaha ay gudbeen Busley Daauud, Ceelwareegow iyo  Sagaaroole oo guryihii ku yiilay dhammaantooda la gubay.
Dhanka kale, dhagarqabe C/laahi Hurdaaye waxaa lagu xasuustaa xasuuqii uu ka geystay Masjid ku yaallo deegaanka Muuri halkaasoo xili maqrib ah lagu dilay 7 qof oo isugu jiray Culimo iyo Ardey baraneysay Culuumta Diinta. Sidoo kale C/laahi Hurdaaye iyo maleeshiyaadkiisa waxay Dileen sarkaal dowladda hoose ee degmada Marka ka tirsanaa oo lagu magacaabi jiray Sheekh Nuur Garmaqaate bishii Febraayo sanadka 2014-kii, Hurdaaye ayaa xilli habeen ah Doon magaalada Marka ka saaray ninkii dilay Sheekh Nuur Garmaqaate.
Waxgaradka beesha Biimaal ayaa shacabka u sheegay in Xasan Culusow uu go’aansaday inuu shacabka beesha Biimaal ka barakiciyo magaalada Marka, waxaana shacabka lagu wargeliyey inay hubka qaataan oo ay u diyaar garoobaan dagaal ay la galaan mooryaanta Hawiye ee lagu soo daabulayo degmada Marka iyo deegaanada kale ee Biimaal.

Cammaara.ca
Sahal114@Hotmail.com
Aden79@gmial.com

X/Markacadey.com

.

Cammaara2015

breaking news & current latest somalian news headlines; national weather forecasts & predictions, local news videos, money and financial news; sports ...

You May Also Like

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *