Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya oo xalay casho-sharaf u sameeyay m/weynaha Puntland

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo maalinii labaad kusugan magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Waddanka Itoobiya ayaa xalay 17-Feb-2016 waxaa casho sharaf u sameeyey Wasiirka Arrimaha Dibadda Dalka Itoobiya Dr.Tedros Adhanom.
Kulanka casho sharafta ayaa sidoo kale waxaa kasoo qayb galay Danjiraha Itoobiya ee Soomaaliya iyo Wakiilka Itoobiya u qaabilsan urur goboleedka IGAD, waxaana uu kulankaniahaa mid lagu soo dhoweynayo Madaxweynaha Dawladda Puntland isla markaana lagu lafa gurayo guud ahaanba arrimaha Soomaaliya.
 Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyoWasiirka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya Dr.Tedros kulankoda casha sharafta kasoo qayb galay ayaa waxay kawada hadleen guud ahaan arrimaha Siyaasadda ee Soomaaliya gaar ahaan geeddi-socodka doorashooyinka 2016-ka iyo mawqifkii Dawladda Puntland ay ka qaadatay go’aankii ay gaadhey Dawladda Federaalka Soomaaliya beesha Caalamkuna ay soo dhoweysey.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo uga mahadceliyey Wasiirka Arrimaha Dibadda Dawladda Itoobiya Dr.Tedros casho sharafta uu u sameeyey ayaa dhinaca kale sheegay Puntland in aanay marnaba aqbalayn in dalka dib loogu celiyo nidaamkii awood qaybsiga qabiilka ee 4.5 kaas oo dawladda federaalku go’aamisey in marlabaad dalka dib loogu celiyo.
Sidoo kale Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya u sheegay in todobaadkii lasoo dhaafay ay Puntland soo gaadheen wafti ballaadhan oo ka socda beesha caalamka kuwaas oo uu hoggaaminayo wakiilka xog hayaha guud ee qarama midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Danjire Michael Keating kana mid ahaayeen Danjirayaasha Maraykanka, Ingiriiska, Talyaaniga, Iswiidhan, midowga yurub iiyo midowga Afrika kuwaas oo kulamo kala duwan laqaatay Dawladda, Baarlamaanka, bulshada rayidka ah, Isimada iyo siyaasiyiinta isla markaana ay indhohooda ku soo arkeen dareenka shacabk Puntland.
Casho sharafta uu Wasiirka arrimaha Dibadda Dawladda Federaalka Itoobiya Dr. Tedros Adhanom u sameeyey Madaxweynaha Dawladda Puntand Dr.Cabdiweli Maxamed Cali gaas ayaa waxay kusoo gebagebowdey jawi deggan oo meeqaam heersare ah leh.

Cammaara.ca
Sahal114@Hotmail.com
Aden79@gmial.com

.

Cammaara2015

breaking news & current latest somalian news headlines; national weather forecasts & predictions, local news videos, money and financial news; sports ...

You May Also Like

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *