Mooryaantii iyo Gobolka SH/Hoose Maxaa kala heysto WARBIXIN

Waxaa caawa xaalad degganaasho aan cago badan ku taagneyn laga dareemayaa magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose oo ay maanta ka dhaceen dagaallo waqtiyo kooban soconaayey.

Iyadoo saakey ciidamada deegaanka iyo kuwa AMISOM ay cagta mariyeen maleeshiyaad ujeedooyin badan leh oo maareeyaha Swisso Kalmo Cali Cilmi shaley ka abaabulay magaalada Marka ayaa waxa soo kordhay qorsheyaal lagu hagardaameynayo horumarka ciidamada deegaanka.

Fariin AMISOM uga timid Villa Somalia

Saraakiisha AMISOM ee magaalada Marka oo aan la xiriirnay ayaa inoo xaqiijiyey in fariin uga timid Wasaaradda Gaashaandhigga Muqdisho lagu amray inaysan la shaqeyn karin ciidamada deegaanka ee maanta kala qayb qaatay howlgalka mooryaanta looga saaray magaalada Marka. AMISOM waxaa lagu amray inay ku laabtaan saldhigyadooda maadaama aysan la soconin ciidamo Hawiye ah oo hagaayo howlgalkooda.

Intaasi kadib, Ciidamada AMISOM ayaa maanta Casir liiqii isugu yimid saldhiggooda xaafadda Ayuub ee magaalada Marka halkaasoo caawa ay ku hoyanayaan. Ciidamada deegaanka ayaa iyagana dib uga soo baxay Xaafadaha Suuqa weyn ee magaalada Marka, waxay dhufeysyo ka sameysteen agagaarka Sarta Iimaan Center (Sarta Maana Xaajow) ee xaafadda Horseed iyo xaafado kale oo magaalada ka tirsan.

Kadib markii ciidamada AMISOM iyo kuwa deegaanka qorax dhacii maanta ay go’aansadeen inay magaalada ka baxaan waxay taasi sahashay in mooryaantii Habargidir ee shaley Shabaab ku biiray mar kale fursad u helaan inay magaalada qeybo ka mid ah soo galaan caawa.

Fariinta Villa Somalia uga timid AMISOM ayaa sidoo kale xambaarsaneyd in la qariyo guusha ciidamada deegaanka iyo in beesha Biimaal laga ilaalinaayo hanashada maamulka degmada Marka.

Arimo yaab leh oo ka dhacay Buufow Bacaad

Sida aan hore u baahinay, ciidamada deegaanka ayaa xaley faarujiyey Buufow Bacaad kadib markii ay heleen xog ku aadan in maleeshiyo labo Kaarleyaal ah weerar ka soo qaadayeen dhanka degmada Jannaale oo ay Shabaab haystaan. Bashiir Kaambiyo oo ah Labo Kaarle dowladda Xasan Culusow iyo Alshabaab aqoonsi ka haysto ayaa saakey ku soo jarmaaday isaga Maleeshiyo Afka soo duubtay oo saldhig ka sameystay Buufow Bacaad.

Maanta barqadii ayaa waxaa ciidamada deegaanka u yimid maleeshiyaadkii Yuusuf Cagey iyo Buraale iyagoo iska dhigaayo gurmad dowladda ka yimid, waxay taliska ciidamada deegaanka ka dhaadhiciyeen inay howlgal wadajir ah oo Buufow Bacaad lagu xureynayo la qaadaan. Dagaal ayaa si wadajir ah loogu qaaday Buufow Bacaad, daqiiqado markey rasaasta dhaceysay ayaa la arkay gaari Cabdibile ah oo ay lahaayeen maleeshiyaadka dowladda oo gacanta loo gelinaayo maleeshiyaadkii Bashiir Kaambiyo ee saakey soo galay Buufow Bacaad.

Hadafka Yuusuf Cagey iyo Buraale ka lahaayeen dagaalka maanta Buufow wuxuu ahaa in Tikniko lagu wareejiyo Bashiir Kaambiyo iyo in la niyo jabiyo ciidamadii deegaanka ee dagaalka kala qayb galay.

Baadi’da Nin baa Kula Day-daya Daalna Kaa Badan e

Aan Dooneyn Inaad Heshaa Daa’in Abidkeed e

Dagaalka ayaa istaagay duhurkii maanta, ciidamada deegaanka waxay u gurteen saldhiggooda ku yaalo DANADA, halka maleeshiyaadkii Yuusuf Cagey iyo Buraale ay soo qabteen dhanka Muqdisho halkaasoo caawa ay ku hoyanayaan. Taliye ka tirsan ciidamada deegaanka ayaa sheegay inay shaki weyn ka qabaan daacadnimada Yuusuf Cagey iyo Buraale, wuxuuna ku tuhmay inay gacansaar la leeyihiin maleeshiyaadka is garabsanaayo ee Labo Kaarle-yaasha ah.

Gabagabadii, Dowladda Xasan Culusow waxay juhdi weyn ku bixisay in heshiis qarsoodi ah la gasho gudoomiyaha Alshabaab ee gobolka Sh.hoose Maxamed Xiirey(Abuu Cabdalla) inuu badbaadiyo danaha beesha Hawiye isla markaasina dagaal kala hortago dadaalada beesha Biimaal ku dooneyso inay deegaanadeeda hanato. Arintaasi waxaa si weyn u fahmay saraakiisha ciidamada beesha Biimaal oo qorsheyaashan loo degsaday.

Magaalada Marka waxa caawa qaybo ka mid ah ku hoyanaya labo garab oo ciidan ah: AMISOM iyo Ciidamada deegaanka oo dhinac ah iyo  Ciidamo Shabaab ah oo uu sameystay kaabo Mooryaan Cali Cilmi oo dhinac kale ah.

Cammaara.ca
Sahal114@Hotmail.com
Aden79@gmial.com

.

Cammaara2015

breaking news & current latest somalian news headlines; national weather forecasts & predictions, local news videos, money and financial news; sports ...

You May Also Like

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *