Ciidamada degaanka oo kaashanaya Amisom ayaa cagta mariyey Shabaab isku sheegii.

Waxaa gabi ahaan aamusay warbaahintii shaley baahineysay in magaalada Marka la wareegeen Kooxo Alshabaab ah kadib markii AMISOM ay ka baxday saldhig ay ku lahaayeen Dowladda Hoose ee degmada Marka,taas oo ahayd amar kaga yimi xaggaa iyo taliska mooryaanta Muqdisho.

Wixii shaley ka dhacay magaalada Marka waxaan ku tilmaami karaa oo kaliya Jumladan gaaban “Haddii ciyaalka Hawiye ee magaca dowladda wato aad diideen waxaan idinku bedeleynaa ciyaal kale oo iyagana Hawiye ah oo magac Shabaab wato“. Tani waxay ku muujineysaa Arxan la’aanta cadowgan magaca dowladda adeegsanaayo. Waxgaradka beesha Biimaal ha feejignaadaano in lagu qaldo arimaha socdo, shacabkooda waaye dadka ay dusha uga dhaceyso musiibooyinkan Xasan Culusow iyo Alshabaab wadaan.

Warbaahinta Muqdisho gaar ahaan kuwa ay maamulaan ciyaalka Hawiye oo shaley aad ugu faraxsanaa in Alshabaab qabsato xarunta Shabeelaha Hoose ayaa maanta Aamusnaan doorbiday kadib markii saakey ciidamada beesha Biimaal iyo AMISOM ay kala eryeen mooryaantii damacsaneyd in magaca Alshabaab ku howlgalaan.

Rasaasta iyo hubka kale ee maanta lagu xureeyey magaalada Marka ma ahan mid ay leedahay dowladda Federalka, waxaa iska leh beesha Biimaal oo Qaaraan shacabkooda iska aruuriyeen ku soo iibsaday rasaasta.

Horjoogeyaashii maleeshiyaadka dowladda Yuusuf Cagey iyo Buraale ayaa la soo sheegayaa inay soo laabteen kadib markii ay maqleen in beesha Biimaal ay ka hortagtay qorshe Isbaheysi oo Mooryaanta Habargidir iyo Alshabaab dhexmaray. Yuusuf Cagey iyo Buraale ayaa waxay soo dhaafi waayeen Buufow Bacaad oo uu ciidamo ku haysto Bashiir Kaambiye oo ah Labo Kaarle Habargidir iyo Shabaab isla ah. Yuusuf Cagey iyo Buraale oo iska dhigaayo niman daacad ah ayaa la sheegay inay u soo laabteen inay hagardaameeyaan dhalinyarada beesha Biimaal ee goostay inay dhulkooda xureystaan.

Yuusuf Cagey iyo Buraale wey ogaayeen qorsha dhexmaray Alshabaab iyo kaabo mooryaanta Habargidir, waana arinta keentay inay magaalada iskaga soo guuraan iyagoo aan wargelinin AMISOM-tii ay la shaqeyn jireen.

Maanta waxaa bartamaha magaalada Marka ku sugan ciidamo uu horkacaayo Colonel Sheekh Nuur iyo gudoomiyihii hore ee degmada Marka Maxamed Cismaan Yariisow. Waxaana gawaarida gaashaaman ee AMISOM lagu celiyey xeradii shaley ay soo banneeyeen ee dowladda Hoose ee degmada Marka.

Waxgaradka beesha Biimaal waa inay dejiyaan qorshe deg deg ah oo deegaanadooda uga saarayaan shirqoolada wajiyada badan oo ay dowladda Xasan Culusow ku lug leedahay.

Soomaalida waxay tiraahdaa “Nin Aad Taqaano, Yaa Tahay Lama Yiraahdo”,  beesha Biimaal wey ogtahay tabarta Alshabaab, maanta iskuma qaldeyno cidda ay yihiin Alshabaabkii shaley sheegtay inay qabsadeen magaalada Marka, waan ognahay wax walbo, maalmaha soo socdo ayaa wax walbo banaanka imaan doonaan.

Cammaara.ca
Sahal114@Hotmail.com
Aden79@gmial.com

.

Cammaara2015

breaking news & current latest somalian news headlines; national weather forecasts & predictions, local news videos, money and financial news; sports ...

You May Also Like

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *