Somaalidu Been waa sheegtaa been se ma maahmaahdo(Shabaab baa Marka Qabsaday).

waxaa ayaan daro iyo mas’uuliyad xumo tii ugu darneyd ah in magaalo dhan mar qura ay ka huleelaan wixii ciidanka dawladda sheeganayey

waxaa la isweydiin karaa tolow yey ku wareejiyeen xilkii amni ee ka saarnaa nafta iyo maalka magaalada iyo  dadkeeda,runtii su,aashaas iyo kuwo kale oo badan

ayaa la iska weydiin karaa waxaa ka dhacay magaalada Marka oo ah magaalo fac weyn oo ay kunool yihiin dad taariikh leh oo wax badan oo qiimo ah u leh jiritaanka

qowmiyadda Somaaliyeed. Haddii aan u degno xaqiiqada dhabta ah ee ka jirta guud ahaan gobolka shabeelada hoose ,sanadihii ugu danbeeyey oo somalidu ka nasatay

dagaal ,waxaa ka socday gobolkan dagaal lagu beegsanayo dadka asal ahaan dega guud ahaan iyo gaar ahaan beesha Biyomaal iyadoo la isku dayey in la barakiciyo oo lagu

daro xeryaha qaxootiga Kenya, balse arintaas ma suurtoobin waayo beesha biyomaal waxay dhexda u xiratay iney difaacato sharafkeeda iyo dhulkeedaba.

waxaa maanta cadaatay in aanay  dawladdu iyaga dawlad u ahayn ,ayna garab iyo gaashaan u tahay dad doonaya iney cirib tiraan ,taasina Alle ma oran,guushuna waxay ku danbeyn gacanta

xaq u dirirka . si loo marin habaabiyo xaqiiqada dhabta ah ayaa mooryaantii inta afka loo duubay la gu sheegay iney Alshabaab qabsadeen magaalada marka ,u’aashu waxay tahay xagee soo

mareen sow tii dawladdu gacanta ku dhigtay Baraawe ,janaale ay joogeen ciidamada AMISOM dhanka muqdishana warkeeda daa,tani waa qaabka cusub ee ay mooryaantu dooneyso iney ku

xasuuqdo dad badan ka dib markii ay u babacdhigi weyday geesiyada xaq u dirirka ah ee Biyomaal.

waxaan umadda Somaaliyeed u sheegeynaa in aanu jirin wax la yiraahdo shabaab oo qabsaday magaalada marko ,balse ay yihiin Mooryaantii oo afka duubatay.

Cammaara.ca
Sahal114@Hotmail.com
Aden79@gmial.com

.

Cammaara2015

breaking news & current latest somalian news headlines; national weather forecasts & predictions, local news videos, money and financial news; sports ...

You May Also Like

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *