MAAMULKA G. BARI OO KA HADLAY RABSHADO AY DAD KU DHINTEEN OO KA DHACAY BOOSAASO

Guddoomiyaha Gobolka Bari Yuusuf Max’ed Wacays ayaa Shir Jaraa;id oo uu xalay ku qabtay Boosaaso waxaa uu ka sheegay in Masuuliyiinta Amaanka iyo Hay’adaha kaleba ay ka warhayeen in banaanbaxcaaye oo ay qorsheeyeen dad uu ku tilmaamay qas wadayaal laga war qabay.

Waxaase uu intaa raaciyay in aan la fileynin in uu khasaarahaasi uu ka dhalan karay,waxaana uu ugu baaqay Dadka Boosaaso in ay iska daayaan in dad kale ay u daneeyaan.

Maamulku waxaa uu sheegay in Dhowr qof oo ay ku jiraan Askar ay ku dhinteen Rabshadihii ka dhacay Magaalada Boosaaso.

Waxaa uu Guddoomiye Wacays ku eedeeyey in dibad baxaasi ay ka dambeeyaan dad laga so abaabulay meel ka baxsan Puntland,waxaana uu ugu baaqay in aysan Puntland dadka u dhashay iska dhibaateyn Nabadda ay heystaan.

Cammaara.ca
Sahal114@Hotmail.com
Aden79@gmial.com

.

Cammaara2015

breaking news & current latest somalian news headlines; national weather forecasts & predictions, local news videos, money and financial news; sports ...

You May Also Like

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *