Beesha Caalamka oo ugu baaqday madaxda Soomaalida inay heshiis ka gaaraan nooca doorasho

Beesha Caalamka ayaa sheegtay inay ka fileyso hogaamiyaasha Soomaalida inay si deg deg ah u soo gudbiyaan go’aan wadajir ah oo ku saabsan hab doorasho oo la isku raacsan yahay oo sanadkan 2016 ka dhacda dalka,  iyadoo aanay jiri doonin wax waqti kordhin ah oo loo sameeynayo dowladda hada jirta.

Bayaan laga daabacay website ka xafiiska Qaramada Midoobay  ee Soomaaliya UNSOM, ayaa lagu sheegay in kulan ay madaxweyne Xasan Sheekh,  reysul  wasaare Cumar Cabdirashiid iyo guddoomiyaha barlamaanka Jawaari ay shalay la yeesheen wakiilo ka socda Qaramada Midoobay, IGAD, Midowga Yurub, Mareykanka, Ingiriiska, Sweden iyo Talyaaniga ay hoosta ka xariiqeen rajadooda ah in hogaamiyaasha Soomaalida ay maalmaha soo socda soo gudbiyaan hanaan doorasho oo la isku raacsan yahay.

Beesha caalamka ayaa sheegtay inay ka niyad jabsan tahay in aan wax heshiis ah lagu gaarin shirkii Kismaayo,  haddana ay soo dhoweeneyso wadahadalada Kismaayo iyo farqiga u dhaxeeya madaxda Soomaalida ee sii yaraanaya, marka ay timaado habka doorashada ee sanadkan 2016.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in Beesha Caalamka ay ka  fileyso hogaamiyaasha Soomaalida qorshe howl fulineed iyo qariirad siyaasadeed oo loo dejiyo Soomaaliya 2016 illaa 2020, taasoo ay  hogaamiyaasha isku raaceen shirkii Madasha wadatashiga ee Muqdisho ka dhacay 16-kii December.

Kulanka wakiilada caalamka ay la yeesheen hogaamiyayaasha dowladda federaalka Soomaaliya, waxay hoosta ka xariiqeen inuusan jiri dooonin wax waqti ah oo loo kordhinayo hay’adaha dowladda ee iminka jira, sida golaha sharci dejinta iyo golaha fulinta.

Beesha caalamka ayaa ugu baaqday madaxda Soomaalida inay danta qaranka wax walba ka hormariyaan.

Ugu dambeyn Bayaanka ka soo baxay Beesha Caalamka ayaa lagu sheegay in madaxda Soomaalida ay ka fileyso inay gaaraan nooca doorasho ee Soomaaliya ay qaadaneyso ka hor kulanka Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ee dhacaya 28-ka bishan Janaayo iyo kan Midowga Afrika ee Addis-Ababa oo maalmo kadib ku xigi doona.

 

Cammaara.ca
Sahal114@Hotmail.com
Aden79@gmial.com

 .

Cammaara2015

breaking news & current latest somalian news headlines; national weather forecasts & predictions, local news videos, money and financial news; sports ...

You May Also Like

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *