Cristiano Ronaldo Oo Dib Ugu Soo Laabanaya Garoonka Old Trafford, Ma United Ayuu Kusoo Jeeda, Mise Sabab Kale?

Amaahiirta Manchester United ayaa u hamuun qaba iney mar uun ku arkaan Old Trafford xidigoodii hore Cristiano Ronaldo kaas oo sanadkii 2009 ka guuray magaalada lagu bartay ee Manchester.

Xiriirak FA-ga Ingiriiska ayaa wadahadalo kula jira dhigiisa Portugal si ay uga dhaadhiciyaan iney xulalka England iyo Portugal kulan saaxiibtinimo ku yeeshaan garoonka Old Trafford.

Ilo ku dhaw xiriirka Portugal ayaa saxaafada u xaqiijiyay in wadahadalada ay socdaan inkastoo aan wali heshiis lagu gaarin arintaas.

Hadii labada xiriir ay arintaan ku heshiiyaan waxey la micno tahay in Ronaldo uu dib ugu soo laabanayo Old Trafford isagoo xiran maaliyada Portugal.

Roy Hodgson ayaa doonaya in xulkiisa ay tijaabooyin adag maraan ka hor koobka Euro 2016, balse sidoo kale waa arin weyn madama ku ciyaarida Ronaldo ee Old Trafford ay keeni karto iney usoo daawasho tagaan taageereyaashii ugu badnaa ee soo xaadira kubada cagta.

 

Cammaara.ca
Sahal114@Hotmail.com
Aden79@gmial.com

.

Cammaara2015

breaking news & current latest somalian news headlines; national weather forecasts & predictions, local news videos, money and financial news; sports ...

You May Also Like

One thought on “Cristiano Ronaldo Oo Dib Ugu Soo Laabanaya Garoonka Old Trafford, Ma United Ayuu Kusoo Jeeda, Mise Sabab Kale?

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *