Ergooyin ka socda gobolka Hiiraan oo goor dhow soo gaaray magaalada Jowhar

Garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar waxaa saakay ka degay ergooyin ka socda gobolka Hiiraan oo uu ka mid yahay Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed, halkaasi oo si diiran loogu soo dhoweeyay.

Ergooyinka ka socda gobolka Hiiraan waxaa kale oo ka mid ah odayaasha dhaqanka, xildhibaano iyo siyaasiyiin ka tirsan gobolka Hiiraan, iyadoo loo sii galbiyay goob loo sii diyaariyay.

Garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar waxaa ku soo dhoweeyay ergooyinka gobolka Hiiraan xubno ka tirsan maamulka gobolka Sh/dhexe oo uu ka mid yahay Guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Cali Guudlaawe Xuseen iyo saraakiil kale.

Dhinaca kale waxaa saacadaha soo socda la filayaa inuu magaalada Jowhar gaaro wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud si uu halkaasi uga furo shirka maamul u sameynta gobolka Sh/dhexe iyo Hiiraan.

Wixii kale ee warar ah oo ku soo kordha waan idiin soo gudbineynaa, kala soco warbixino, warar iyo sawirro qormooyinkeena dambe ayaan idinkugu soo gudbineynaa.

Cammaara.ca
Sahal114@Hotmail.com
Aden79@gmial.com

.

Cammaara2015

breaking news & current latest somalian news headlines; national weather forecasts & predictions, local news videos, money and financial news; sports ...

You May Also Like

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *