Daawo Odayaasha & Waxgaradka Deegaanka Bariisle Ee Degmada Saylaca

Waxa isa soo taraya cabashooyinka ka dhanka ah Maamulaha Kastanka Saylac & Cabdirisaaq Aadan Yuusuf (Faysal Dheere) ee ka imanaya dadka, safarka ah, duqayda, cuqaasha iyo oday-dhaqameedka kale ee qaar ka mid ah deegaanada degmada Saylac, kuwaasi oo si ba’an u dhaliilay, habdhaqanka shaqsi iyo kan maamul Faysal Dheere.

12544045_827653914010772_1704547792_oCabshooyinkii u dambeeyay ee ka yimaada dinaca Xadka u dhexeeya Djibouti iyo Somaliland ayaa dadka Safarka ah ee isaga gooshaya labada dal ay si wayn uga qayl yeen xeer ay ugu yeedheen lacagi ha ku furato oo ka dhaqan galay Kastanka Lawyacado kaasi oo lacag adag ku soo rogay dadka safarka ah.

Maamulaha Tuulada Lawyacado ayaa warbaahinta u sheegay in dhibaatadu ay jirto maantana ay ugu darnayd waxana uu yidhi “ subaxii hore ee Saaka ayuu Lawyacado yimid maamulaha Kastanka Saylac iyo waxa uu watay Wariyayaal wax ka duubayay, intii uu joogay dad waxoogaa ah oo kamarad laga duubayay ayaa u gudbay dhinaca Saylac, markii ay duubidu dhamaatay wax walba way cakirmeen, dadkii labada dhinaca u kala gudbayay ee reermiyiga iyo safarka u badnaa ee dadka degaanka ahaana, waa la diiday inay gudbaan, cabasho xoogan ayaanay noo soo gudbiyeen, waxana aan gaarsiinaynaa Xukuumada in Maamulaka Kastanka Saylac laga qabto dadka

Arintan ayaa waxa sii adkeeyay, Xildhibaan Maxamed Daahir Camir oo ka tirsan golaha degaanka ee degmada Saylac, waxana uu yidhi “Waxa aad moodaysay in Filim la duubayo, dad abaabulan ayaa la sii daayay, kamaradona waa laga duubay, markii muuqaaladii la duubayay ay dhamaadeena, wax walba waxa ay ku soo laabteen sidii hore, safar, iyo socoto-degaana waa la diiday inay ka gudbaan xadka ilaa ay lacag $30 ka badan bixiyaan. Waxana yaab leh in Caawa ama habeen dambe ay suura gal tahay inaan ka daawano TV-yada Filimkii Maanta la jilay, oo gabi ahaanba ah mid majaro-habawsan oo ka been sheegaya xaqiiqda ka jirta Xadka Lawyacado.

Sidoo kale Cadar Maxamed Cara boo ka timid dhinaca Djibouti oo ah Muwaadinad reer Somaliland ah oo arimo Caafimaad u tagtay Djibouti ayaa iyaduna cabasho muujisay, waxna ay tidhi “waxa aan watay Kaarkii Muwaadinimada ee Somaliland, waxa aan ku soo laabtay dalkayga, waxana la iila dhaqmay si la mid ah sidii Ajinabiga oo kale waxa la iyidhi lacag isku furo, mana jirin cid i maqashay ilaa aan bixiyay $31 doolar oo lacag ah. Xaal ka ka daran ayaana ka jira Kastanka Lawyacado, wax walba oo dhibaato ah oo dadka ku dhacaysana waxa ka masuul ah ayaa la yidhi nin la yidhaa Faysal Dheere, markaa xukuumada waan ku cabanaynaa ee wax ha ka qabato.

12544183_827581240684706_204056417_oSidoo kale cabashooyin kuwan ka xoogan ayaa ka soo yeedhaya odayaasha dhaqanka ee degaanka Bariisle ee degmada Saylac, “Waxa aan nahay dad caanolay u badan oo ku xidhan dhinaca Djibouti, dhib badan baa naga haysata kastanka, waxa na dul saaran cashuur, iyo cadaadis, waxaasi hore uma jiri-jirin, waxa ay bilaabatay inta uu ninkan Faysal la yidhaa kastan qabsaday. Waxa badan xadgudubkiisa, imikana waxa uu bilaabay in uu lacagtii dawlada u isticmaalo inuu beelaha degaankan Saylac ee nabada ku wada dhaqan uu iska horkeeno, waxana aan codsanaynaa in ay dawladu naga qabato ninkaasi” ayuu yidhi Oday Xuseen Muuse Migil

Aadan Cilmi Buux ayaa la I yidhaa, waxa aan ahay 70 jir, ilaa da’daasna halkan ayaan ku noolaa, dawlado badan oo isku kay badalay, ma arag wax ninkan ka xun, Gumaysigii Cadaa ee gaalka la oran jiray, ma samayn waxa uu Maamulaha Kastanka Saylac ee Faysal nagu samaynayo, cuna-qabatayn aanan loo adkaysan Karin ayuu dhuunigii iyo dhaq-dhaqaaqiiba kaga saaray. degaankan ma nihin dad maanta soo dagay, ilaa quruumo waan taagnayn, habeen iyo maalin waan marnaa jidka, dhaqankan cusub ee cadaadiska iyo is hortaaga ah ee nagu cusbna waa wax aan dad iyo dawladba u wanaagsanayn, abaar ayaa nagu xoogaysatay, caawimadu way nagu yartahay, dhinaca Djibouti ayaan ku socod badanahay. Dhaqanka ninkan Maamulaja Kastanka ah uu la soo baxay ayaase nagaga sii daran wax walba. $30 ayaa la yidhi qof caano sida iyo qof Saango-sidaba. Arintaas, xanuun ayay nagu abuurtay. Waxana aan codsanaynaa in la naga qabto ninkaasi.

Si kastaba ha ahaatee Cabashooyinka horta-leh ayaa waxa ay ku soo beegmayaan, waqti dhawrkii maalmood ee u dambeeyay ay cabashooyin sidan oo kale ahi ka soo yeedhayaan odayaal, cuqaal culaamu’diin iyo dadwayne kale oo ku dhaqan degmada Saylac kuwaas oo gabi ahaanba ka sinaa cabashooyinka aanay cid wax ka qabanaysaa jirin ee ka dhanka ah Maamulaka Kastanka Saylac Maamule Faysal Dheere.

Daawo Odayaasha & Waxgaradka Deegaanka Bariisle Ee Degmada Saylaca

Cammaara.ca
Sahal114@Hotmail.com
Aden79@gmial.com

.

Cammaara2015

breaking news & current latest somalian news headlines; national weather forecasts & predictions, local news videos, money and financial news; sports ...

You May Also Like

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *