Dhageyso”Madaxweynaha Jubbaland Oo Kusii Jeeda Magaalada Cadaado

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta lagu wadaa in uu tago magaalada Cadaado ee xarunta Maamulka Cabdikariin Xuseen Guuleed, waxaana magaaladaasi hada laga dareemayaa diyaar garow xoogan oo loogu jiro soo dhaweynta Madaxweynaha Jubbaland.

HALKAAN RIIX KA DHAGEYSO WARARKA

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, ayaa la sheegay booqashada uu maanta ku tagayo Cadaado ay tahay balan qaad uu horey ugu sameeyay dhigiisa Cabdi Kariin Xuseen Guuleed.

Sheekh Axmed Madoobe iyo xubnaha la socda ayaa la filayaa inta Magaalada Cadaado ay joogaan in ay la kulmaan Cabdi Kariin iyo xubno kale ee Maamulkiisa.

Waa booqashadii ugu horeysay uu Axmed Madoobe ku tagayo Magaalada Cadaado isaga oo ah Madaxweynaha Jubbaland.

 

Cammaara.ca
Sahal114@Hotmail.com
Aden79@gmial.com

.

Cammaara2015

breaking news & current latest somalian news headlines; national weather forecasts & predictions, local news videos, money and financial news; sports ...

You May Also Like

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *