Sirdoonka Britain Oo Ogaaday Muuqaalka Nin Dhawaan Fariin Hanjabaad Ah Usoo Diray Dowlada

Sirdoonka Dowlada Britain ayaa baaris iyo dabagal dheer ay sameeyeen waxa ay ku ogaadeen shaqsiyada nin katirsan Dagaalyahanada Kooxda Daacish oo kasoo muuqday Muuqaal borobagaando ah ay baahisay Kooxda Daacish.

Ninkan kasoo muuqday Muuqaalkii ugu dambeeyay ay baahisay kooxda Daacish fariintana usoo diray Dowlada Britain ayaa magaciisa lagu sheegaySiddartha Dhar , ninkan ayaa asalkiisu waxa uu ahaa Hinduu ku nool bariga London kahor inta uusan qaadan diinta Islaamka.

Siddartha Dhar , ayaa markii uu qaatay diinta islaamka waxa uu la baxay magaca Abuu Rumaysah, waxa uuna noqday nin si weyn ula dhacsan aadna u taageeray Kooxaha jihaad doonka ah, waxa uuna ugu dambeyn ku biiray Kooxda Daacish.

Ninkan la aqoonsaday ayaa loo xiray intii uu London joogay eeda ah in uu taageerayay kooxda xagjirka ah ee Al-Muhaajiruun, hasayeeshee waxa uu ka baxsaday gacanta booliska kaddib markii damiin lagu sii daayay waxa uuna galay dalka Suuriya.

Gabar la dhalatay Siddartha Dhar, ayaa Warbaahinta Britain u sheegtay in ay u maleesay in uu yahay walaalkeed markii ay daawaday oo dhageesatay fariinta uu soo diray, hasa ahaatee si dhab ah uma xaqiijin in uu walaalkeed yahay qofkaasi.

Ninkan Hindiga ah ee kasoo muuqday Muuqaalka ay soo dirtay Daacish ayaa Warbaahinta Britain qaarkood ugu yeereen in uu yahay John Jihadiga Cusub, kadib markii Duqeymo ay fuliyeen Ciidamada Mareykanka lagu dilay Jihadi John oo heestay Dhalashada Britain una qaabilsaa Daacish qoor goyta dadka reer Galbeedka ah

Cammaara.ca
Sahal114@Hotmail.com
Aden79@gmial.com

.

Cammaara2015

breaking news & current latest somalian news headlines; national weather forecasts & predictions, local news videos, money and financial news; sports ...

You May Also Like

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *