Magaalada Baydhabo, Maanta Oo Axad Ah Waxaa La Filayaa Inay Ka Dhacdo Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Iwm Ah

Magaalada Baydhabo, maanta oo Axad ah waxaa la filayaa inay ka dhacdo doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa, iyadoo ay socoto qaban qaabada la xiriirta Doorashadaasi.

Ammaanka Magaalada ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana si wadajir ah amniga u sugaya ciidamada Amisom iyo kuwa Maamulka Koonfur Galbeed oo la soo dhigay meelaha ku dhaw halka doorashada ay ka dhaceyso.

Musharixiinta u taagan qabashada xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed waxa ay kala yihiin Cali Xasan Cismaan iyo Cabdi Qaadir Shariif Sheequnaa.

Sidoo kale Guddoomiye ku xigeenka waxaa u taagan 3 Musharrax oo midi Dumar tahay,waxaana ay kala yihiin Shugri Bashiir Ibraahim, Xasan buule iyo Maxamed Nuur.

Xildhibaanada Maamulka Koonfur Galbeed ayaa dooranaya shaqsiga ay u arkaan inuu hogaaminaayo, maadaama loo baahan yahay Doorashada inay ku dhacdo qaab cadaalad ah oo Xildhibaanada aysan eegan dano gaar ah.

Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa ka kooban 145 Xildhibaan inkastoo mid ka mid ah Xildhibaanadaasi uu iska casilay xilkaasi.

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ayaa horay ugu baaqay Xildhibaanada inay soo doortaan qof u qalma xilka Guddoonka Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed.

Cammaara.ca
Sahal114@Hotmail.com
Aden79@gmial.com

.

Cammaara2015

breaking news & current latest somalian news headlines; national weather forecasts & predictions, local news videos, money and financial news; sports ...

You May Also Like

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *