Guddiga Madaxa Banaan Ee Doorashooyinka Oo Dalbanaya In La Ansixiyo Sharciga Doorashooyinka Soomaaliya

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Soomaaliya ayaa hadda u muqda,kuwa an la socon sida ay ku billaabayaan shaqadooda,maaddama an wali la ansixin sharciyadda ay ku shaqeyn lahaayeen.

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka qaranka Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo Yarey) ayaa dalbatay si dhaqso ah in loo ansixiyo sharciya,iyadoo marka sheegtay inay doonayaan sidii uu guddiga shaqadiisa ku billaabi lahaa.

Waxaa ay caddeysan inaysan la socon sababaha qasbaya in sharciga oo muhiim u ah dalka,maaddama muddo siddeed bilood ah ay dhiman-tahay xilliga doorashada an wali la ansixin oo dib loo dhigo.

“Ma heyno,wali sharciga doorashooyinka,mana garankarno sababaha qasbaya in dib loo dhigo oo aanan la soo hormarin,maadaama ahmiyad uu u leeyahay dalka, xilliga doorashada dhaceyso waqti badan kama harin,”sida waxaa sheegtay guddoomiyaha guddiga doorashooyinka oo u magacaabay madaxweynaha Soomaaliya,Xasan Sheekh.

Guddiga waxuu ka codsadey baarlamaanka in arrintan ay si deg deg ah u meel mariyaan, iyadoo shaqadooda loo dhiibay guddiyo aan dastuuri aheyn,sida ay sheegtay guddoomiyaha guddiga.

Xaliimo Yarey waxaa kalo ay soo hadal qaadaay inay muhiim tahay dhowrista dastuurka iyo sharciyada dalka u yaalla, isla markaana la siiyo guddigooda doorkiisa, sidoo kalena la baabi’iyo guddiyada aan dastuuriga aheyn.

Jawaari oo hadalka guddoomiyaha ka jawaab celiyay

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya,Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa dhankiisa ka jawaab celiyay hadalka ka soo baxay guddiga doorashooyinka madaxa banaan,waxuuna sheegay in golaha wasiirrada aysan wali soo gudbin sharciga, balse uu dareemayo ahmiyada uu sharcigan u leeyahay dalka.

Jawaari waxaa uu tilmaamay in sharciga doorashooyinka uu yahay mid loo baahnaa in la soo dedejiyo si loogu dabaqo doorashada dalka ka dhaceyso oo wax yar ay ka dhiman yihiin.

Soomaaliya oo raadinaysa doorasho ka nooc duwan,kuwii hore ayaan haddana la ogeyn sida ay noqon karto,inkasto go’aanka ugu dambeeyo uu soo baxayo marka uu dhammaado shirka 10 bisha Janaayo ka dhacaya magaalada Kismaayo.

Cammaara.ca
Sahal114@Hotmail.com
Aden79@gmial.com

.

Cammaara2015

breaking news & current latest somalian news headlines; national weather forecasts & predictions, local news videos, money and financial news; sports ...

You May Also Like

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *