Kooxda Heegan Oo Guuldarro Ku Bilaabatay Horyaalka Soomaaliya

Waxaa shalay gellinkii dambe magaaladda Muqdisho, si rasmi ah uga furmay horyaalka kubbadda cagta Soomaaliya ee xilli ciyaareedka 2015-2016, waxaanna lagu dheellay garoonka Banaadir ee magaaladda Muqdisho.

Kulankii ugu horeeyay ayaa waxaa isaga horyimid naadiyada Dekadda iyo Heegan, labada dhinac ayaa muujiyay kubbadd aad u wanaagsan, qeybta hore ayaa waxa ay kusoo dhamaatay 0-0, iyadoo uu karaka cas ka qaatay Heegan xiddiga Maxamed Larsson.

Iyadoo ay ka dhiman tahay ciyaarta seddex daqiiqo ayaa kooxda Dekadda, waxaa gool u dhaliyay Cabdulqaadir Muxyadiin Xasan, oo lambarka 17-aad u xerto Dekadda, waxanna ay sidaas ku heshay kooxdiisa seddexda dhibcood ee ciyaarta.

Heegan, ayaa tani waxa ay u noqoneysaa guuldarradii seddexaad ee soo gaarta toddobaadkii seddexaad.

Cammaara.ca
Sahal114@Hotmail.com
Aden79@gmial.com

.

Cammaara2015

breaking news & current latest somalian news headlines; national weather forecasts & predictions, local news videos, money and financial news; sports ...

You May Also Like

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *