: Xasan Sh Maxamuud Oo Qorshe Qabyo Ah Kaga Hortagi Doona

Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose waxaa dhawaan ka furmaya shirweyne looga hadlayo qaabka ay noqoneyso doorashada 2016-ka.

Maamulka Puntland iyo Jubbaland ayaa diidan in doorashada ay noqoto mid 4.5 ah, iyadoo dooneysa in deegaanada loo madax baneeyo iney soo xushaan xubnaha DF.

Hase ahaatee Madaxweynaha DF Soomaaliya ayaa qorshe lama filaan ah udagay Maamulada Puntland iyo Jubbaland, isagoo ku qasbaya iney qaataan go’aanka 4.5.

RIIX HALKAN: DHAGAYSO GO’AANKA DF

Wasiirka Arimaha gudaha DF ayaa sheegay in hadii la isku fahmi waayo shirka kismaayo in Madaxda Soomaalida ay go’aan gaari doonaan, waxaana arrinkaas shaaciyay wasiirka Arrimaha gudaha iyo Federaalka dawladda Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Odawaa  ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay ku kala aragti duwanyihiin aragtida doorashada taasna ay saamaysay dhanka siyaasiyiinta, waxaana uu sheegay in aqalada Baarlamaanka labo mid lagu salayn doono hab beeleedka.

Wasiirka ayaa fashiliyay in Dowlada ay dooneyso in Qodoban la qaato Shirka Kismaayo

1:- Hanaanka  4.5

2:- In Gobol kasta uu soo xulayo ergada iyadoo xubnaha lagu soo xuli doono 4.5

Sidoo kale waxaa furan qodob sedexaad oo ah in gobolada lagu sameeyo 4.5 meeshii ay maamul goboleedyada soo xuli lahaayeen.

Lama sheegin sida uu noqon doono aqalka hoose, hase ahaatee shirka Kismaayo ee 10-ka bishan ayaa la filayaa in go’aan laga gaaro.

Puntland iyo Jubbaland ayaa diidan mashruuca 4.5, halka maamulada kale ee dalka iyo DF Soomaaliya ay doonayaan.

Cammaara.ca
Sahal114@Hotmail.com
Aden79@gmial.com

.

Cammaara2015

breaking news & current latest somalian news headlines; national weather forecasts & predictions, local news videos, money and financial news; sports ...

You May Also Like

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *