Shabaab Oo Dagaal Xoog Leh Kula Wareegay Degmada Qoryooley iyo Maxaabiis Laga Sii Daayey Xabsiga Degmada

Dagaalyahaano ka tirsan Shabaab ayaa caawa dagaal xoog leh kula wareegay degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeelada hoose.

Qoryoole oo ay ku suganyihiin Maleeshiyo deegaanka laga aruuriyey ayaa caawa waxaa dagaal kusoo qaaday Shabaab oo laba fariisin kasoo waareeray, waxaana shabaabka u soora gashay in ay si fudud kula wareegaan mid ka mid ah difaacyada Qoyoole laga soo galo.

Dagaal waqti kooban ka dib Ciidamadii u abaabulnaa hab deegaaneed waxa lagu qasbay in ay isaga baxaan dhamaan difaacyada Degmada oo ay la wareegeen dagaalyahaano ka tirsan Shabaab.

Siday kusoo waramayaan dadka deegaanka Shabaab ayaa haatan kusugan xarunta Deagmada iyo Saldhiga Ciidanka oo aanay ku sugneyn wax maamul iyo ciidan midnah.

Dadka Qoryoole ayaa sidoo kale soo sheegay in xabsiga laga sii daayey tiro maxaabiis ah oo ku xirnaa salhiga oo loo heystay dambiyo kala duwa, waxaana ku jiray kuwo qaarkood loo haaystay inay ka mid yihiin Shabaab.

Ciidamada lagula dagaalamay Qoryoole ayaa u baxsaday dhanka Bari oo ay ku suganyihiin Ciidamada Amisom.

Degmada Qoryoole oo ka mid ah Degmooyinka ugu dhaqaalaha badan Gobolka Shabeelada hoose ayaa tan iyo markii lagala wareegay Shabaab waxay gashay marxalada ka duwan tii ay ku sugneyd sanadihii tagay.

Cammaara.ca
Sahal114@Hotmail.com
Aden79@gmial.com

.

Cammaara2015

breaking news & current latest somalian news headlines; national weather forecasts & predictions, local news videos, money and financial news; sports ...

You May Also Like

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *