Howlgal Guri Guri Ah Oo Ka Socda Qeybo Ka Mid Ah Magaalada Marka

Howlgal ay iska kaashanayaan Maleeshiyada dowlada Muqdisho iyo Ciidamada amisom ayaa waxa uu ka socdaa qeybo badan oo ka mid ah Magaalada Marka.

Howlgalka ayaa la sheegay in uu lagu baarayo dhamaan guryahaya ku yaala xaafadah Ruusiyo iyo Absiibo ee Marka.

Sida lasoo sheegayo howlgalka ayaa bilowday saake aroor hore, Ciidamada iska garabsanaya howlgalka ayaa xiray dhamaan wadooyinka ka baxa xaafadaha uu ka socdo iyo kuwo soo gala intaba.

Dhalanyaro aan la sheegin tiradooda ayaa lagu qabtay inta uu howlgalka socdo, kuwaas oo hada la gudbiyey saldhiga.

Inta uu socdo howlgalka ayaa waxa jiray qarax bambaano oo lagu tuuray Maleeshiyada iyo kuwa amisom markii ay dhex marayeen xaafada Sheekh Abroone,qaraxaas ayaan lasoo warin wax khasaara ah oo geysatay.

Cammaara.ca
Sahal114@Hotmail.com
Aden79@gmial.com

Xigasho markacadey

.

Cammaara2015

breaking news & current latest somalian news headlines; national weather forecasts & predictions, local news videos, money and financial news; sports ...

You May Also Like

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *