Sir Hoose .B/Hiiraale Oo Kismaayo Ku Wajahan & A/Madoobe Oo Qorshe Cusub U Dagay

Xog hoose oo aan helnay ayaa sheegeysa in magaalada Kismaayo uu ka furmayo shir looga hadlayo dib u hishiisiinta beelaha wada daga deegaanada Jubbooyinka gaar ahaan magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Shirkaasi ayaa waxaa loo qabanayaa siyaasiyiinta kasoo jeeda gobolka Gedo iyo madaxda maamulka Jubbaland, taasi oo sii xumaatay waxii ka dambeeyay markii xil ka qaadis lagu sameeyay gudoomiyihii gobolka Gedo.

Shirkaasi waxaa ka qeyb galaya Barre Aadan Shire Hiiraale, oo kamid ah siyaasiyiinta sida weyn kaga soo horjeeda maamulka Axmed Madoobe.

Barre Hiiraale, ayaa kulan gaar ah kula qaatay magaalada Muqdisho Axmed Madoobe, waxaana kulankooda la sheegay in laga soo saaray in magaalada Kismaayo uu ku laabto Barre Hiiraale..

Cammaara2015

breaking news & current latest somalian news headlines; national weather forecasts & predictions, local news videos, money and financial news; sports ...

You May Also Like

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *