Toogasho Toogasho Toogasho……

Soomaaliya waxaad moodaa in xal keliya ee u soo haray uu yahay dil iyo toogasho ,waxaan in badan u soo joognay dhacdooyin badan oo xukunkoodu dil ahaa sida laba suuqa ku murmay,wadaad wadaad qiil ku diiday,Askari Askari dilay,nin iyo naagtiisi oo murmay,gabar la kufsaday oo haddana la dilay.

Haddaba waxaa isweydiin mudan maxaa inoo fududeeyey in xukunkeenu u bato dil iyo toogasho, runtii waxaan la inkiri karin in aan soo marnay welina ku jirno waqti dheer oo qof walba gacantiisa ku qaatay xukunka isagoo adeegsanaya awood qabiil,diimeed iyo dawladba. waxaan jecelahay in aan si gaar ah u eego toogashada ku dhacda ragga lagu sheego in ay yihiin ciidan qalab sida oo aad moodo in ay tahay geeri mag la’aan ah.

marka waxaa mudan in aan wax iska weydiino ninkani sidee buu ciidan ku noqday,  waxan cidna ka qarsooneeyn in dadkan badan koodu ka soo jeedaan ciidan beeleed ,ciidan beeleedkaas oo ka sameysmay xaaladihii wadanku soo maray ee dawlad la’aanta ahaa, ciidankan oo lahaa u jeedooyin kala duwan balse aan lahayn xarun laga hogaamiyo(central Command) iyo kala danbeyn toona,ujeedooyinkiisa waxay isugu jireen ( difaac naf , maal,Magac,dhac ,boob,kufsi iyo meel marin dan shaqsi haddii ay tahay siyaasad iyo taajirnimo waxa lagu sheego waayadan danbe iwm.

Haddaba waxaan dhihi karnaa ninka ku soo tababartay ciidanka noocaas ah, waxaa laga galay denbi markii lagu magacaabay inuu yahay ciidan qaran,waxaa mudneyd haddii wax loo qabanayo in laga wareejiyo magaca ciidan oola siiyo magacyo mihnadeed iyo tababar farsamo oo uu kaga maarmo qorigii uu noloshiisa kula soo bixi jiray,waxaa xaqiiq ah in aysan jirin cid is weydiisay xaaladda caafimaad maskaxeed ee dhalinyaradan oo in badan ku soo jiray dagaalo iyo qax, isla markaa loo sheegay in ay yihiin ciidan qaran, sidoo kale waxaan cidi hoos u u eegin xaaladaha ku xeeran noloshooda ee culeyska ku haya, haddii ay tahay mas’uuliyad waalid ,qoys iyo ifafaalihoda mustaqbal.

Waxaa fiican inta aan dhalinyaradan lagu magacaabin ciidan qaran in la mariyo hab lagu hubinaayo xaaladihiisa nololeed iyo rabitaankiisa ciidan si loo nabad geliyo naftiisa ,dadkuna uga nabad galaan, loona yareeyo dilka sida fudud looga gaarayo  dhalinta soomaaliyeed ,garsoorayaashu ha fiiriyeen dhinac badan intaa ka hor.

Cammaara.

 

Cammaara2015

breaking news & current latest somalian news headlines; national weather forecasts & predictions, local news videos, money and financial news; sports ...

You May Also Like