Maxaa sabab u ah Islaam Naceybka reer Galbeedka.

Waxaa waayadan danbe ku soo badanayey wadamada reer galbeedka Islaam naceyb. waxaa ugu danbeeyeylaba dhacdo oo ka kala dhacay Mareykanka iyo ingiriiska, dalka Mareykanka magaaladiisa Virginia waxaa lagu dilay gabar msulimad ah oo gudaneysay cibaadada bisha barakeysan ee ramadaan ,taas oo lala dhacay qoriga lagu cayaaro Base Ball-ka ,waxaana la sheegay nimanka dilay asal ahaan in ay ahaayeen Mexican ,waa magac guud oo ay Somalidu u taqaan dadka ka yimaada qaaradda xageeda koonfureed, dhacdada labaadna waxay ka dhacday dalka ingriiska, magaalada london wada weyn oo hor marta masaajid , halkaasna nin gaari dulmarsiiyey dad ka soo baxay masaajidka kuwaas oo u batay dhaawac iyo dhimasho, Allaha u wada naxariisto intii ku dhimatay intii ku dhaawacantayna Allah ha bogsiiyo.

Haddaba waxaa isweydiin leh maxay salka ku hayaan dhacdooyinkan xagee se laga soo abaabulaa, runtii waxaa jira wax aan cidna ka qarsooneyn oo ah dagaal siyaasadeed lagu magacaabo “La dagaalanka Argagixisada” ,oo aan ilaa hadda la qeexin oo dood badan ka taagan tahay su’aasheeda ah horta yaa ah “argagixiso”.

Marka taa laga yimaado waxaa jira arimo kale oo iyana keena nacaybka ,hadaba haddii aan si kooban uga jawaabno su’aashaas. runtii ma jiro wadan jecel in uu dalkiisa dhexdiisa ka abuuro qalalaase iyo naceyb, balse waxaa jira xisbiyo u arka in ay dadka ku soo jiidan karaan eedeynta dadka soo galootiga ah iyo muslimiinta, si ay cod iyo taageero uga helaan dadkooda.

waxaa iyana qeyb weyn ka qaata idaacadaha iyo telefishinada taabacsan xisbiyadaas u badan xag jirka , waxaa iyana aan meesha ka maqneyn hab dhaqanka ay la yimaadeen dadkan soo galootiga ah oo aan ixtiraamin nidaamka wadanka sideey doontaba ha ka ahaatee , waxaa jirta in salaadaha bisha ramadaan la tukado waqtiyo danbe oo habeenkii ah ,inta badana masaajiddu waxay u dhawyihiin xaafadaha la degan yahay dadkuna ay hurdaan ,haddaba waxaa dhacda in dadkaasi salaada u yimid ay ka dhalato sawaxan iyo buuq ka imanaya gaadiidkooda iyo hadalkooda, sidoo kale maalinta salaadda jimcaha oo ay dadka salaadda u yimi ay xiraan wadooyinka ,gaadiidkoodana iska dhigtaan meelaha u dhaw masaajidka oo gaarka loo leeyahay , waana wax ku keeni kara qofkasta oo lagula kaco falkaas caro iyo naceyb.

Haddaba maxaa nala gudboon oo aan uga hortegi karnaa khatartaan, marka hore waxaa laga rabaa in ay xilkooda gudaha iyo dibadda masaajidka si buuxda u qaataan iimaamyada masaajidda, oo ay had iyo jeer  wacyi geliyaan dadka, isla markaana abuuraan dad ka shaqeeya dhawrista nadaamka waqtiyada ay jiraan salaadaha gaarka ah iyo kuwa guud ,xiriir fiican la sameeyaan dadka deriska la ah masajidka iyo socotada wadooyinka hor mara isticmaala kuwaas oo laga yaabo in ku cararayaan shaqooyin ama danahooda gaarka ah.

Cammaara.

 

Cammaara2015

breaking news & current latest somalian news headlines; national weather forecasts & predictions, local news videos, money and financial news; sports ...

You May Also Like