Faafaahin Kala Duwan Oo Kasoo Baxaya Qaraxii Maanta Ka Dahacay Ma

 

Warar kala duwan ayaa kasoo baxay qarax bam oo duhurnimadii maanta lagu weeraray Maleeshiyaad ka tirsan dowlada oo marayey wadada wajeer gaar ahaan inta u dhaxeysa Masjida Raxma iyo suuqa Galleyda.

Siday kusoo waramayaan goob joogayaal ku sugnaa markii qaraxa uu dhacayey ilaa afar ruux ayaa ku dhaawacantay oo mid ka mid ah ay tahay Haweeney, waxaana dhimashada lagu sheegay hal ruux.

Dadka dhaawacmay ayaa dhamaantood ahaa dad shacab ah oo qaarkood wadada ku ganacsanayey, mana lasoo sheegin wax khasaare ah oo soo gaaray Maleeshiyada Milteriga ee halkaas marayey.

Ma jirto cid gacanta kusoo dhigtay ama sameysay howlgal lagu raadinaayo kii bamka tuuray, Maleeshiyada ayaa si caadi ah meesha ku gudbay walow ay fureen rasaas aan la ogeyn khasaaraha ay geysatay.

Magaalada Marka oo ay ku wada suganyhiin Mooryaanta Habar gidir iyo Maleeshiyo dowlada ah ayaa marti gelineysa qaraxyo iyo dilal oo intooda badan saameenaya dadka shacabka ah.

 

Cammaara.ca

Sahal114@Hotmail.com

Aden79@gmial.com

.

Cammaara2015

breaking news & current latest somalian news headlines; national weather forecasts & predictions, local news videos, money and financial news; sports ...

You May Also Like

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *