Ciidanka Ethiopia Yaa kula galay Heshiis soo gelidda xudduudaha Somaliya

Wasiirka warfaafinta ee Itoobiya, Getachew Reda, ayaa ka hadlay sababta ay ciidanka dalkiisa uga baxeen deegaanno ka tirsan koonfurta Soomaaliya, waxuuna sheegay in dhammaan ciidamada aanan ka midka ahayn AMISOM ay kala baxayaan Soomaaliya.

Wuxuu Yiri: Joogitaankeena Soomaaliya ayaa ah laba nooc. Laba kun oo askari ayaa nagaga jira AMISOM. isagoo intaa ku daray in dhowr kun oo askarta itoobiyaanka ah oo caawinaya AMISOM iyo ciidanka dowladda Federaalka ah ee dagaalka kula jira Alshabab. Balse sida aan marar badan horay u sheegnayba, askarkeena ka tirsan AMISOM waxa ay Soomaaliya sii joogi-doonaan inta ka dhiman muddada howlgalkooda, balse qasab ma ah in ay halkaa naga sii joogaan ciidanka kale ee aan AMISOM hoos tegin.

Wasiirka warfaafinta ee Itoobiya, Getachew Reda, ayaa xaqiijiyay in ciidamadii ay kala bexeen deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan ay ahaayeen kuwa aan ka mid ahayn AMISOM.

Ciidamada Itoobiya ayaa ka baxay deegaanka Tiyeeglow ee gobolka Bakool ayaa waxay sheegayaan in ciidamada Itoobiya ay halkaasi ka bexeen. kadibna dagaal yahanada Alshabaab ayaa la wareegay magaaladaasi markii ciidamadaasi ay baneeyeen.

Ciidamada Itoobiya oo ka mid ah howlgalka AMISOM ayaa waxa ay u bexeen dhanka degmada Xudur ee gobolka Bakool, sida dadka goob jooga ah ay BBC-da u sheegeen.

Degmada Tiyeglow waa magaalo istiraatiiji ah, waxa ay isku xirtaa gobolada Hiiraan iyo Bakool, waxayna qiyaastii 90 km u jirtaa magaalada xarunta u ah gobolka Bakool ee Xudur, sidoo kale waxa ay 140 km u jirtaa magaala madaxda gobolka Hiiraan ee Beledweyne.

Ciidamada Itoobiya waxa ay bilihii ugu danbeeyay ka baxeen deegaanada Ceel Cali, Moqokori, iyo Halgan ee gobolka Hiiraan. Dhinaca gobolka Bakool waxa ay isaga baxeen deegaanada Rabdhuure, Buurdhuxunle, iyo Garasweyne. Dhinaca gobolka Galgaduud waxa ay ka guureen deegaanada Budbud, iyo Galcad.

Bixitaankan u dambeeyay ee Tiyeglow ayaa imaanaya iyadoo dowladda Itoobiya ay wajaheyso mucaaradad xooggan iyo mudaaharadyo rabshado wata oo ka socda gudaha Itoobiya.

Su’aashu waxay tahay yaa kula heshiiyey dawladda Ethiopia iney goorteey doonto soo gasho, goortey doontana ka baxdo  xuduudaha Somaliya ma A-Au.Abdullahi Yusuf  B– Sheikh Shariif

C– Xasan Sheik Maxamud  D- Ahmed Siilaanyo  E-Abdi-weli Gaas  F Shariif  Xasan  G– Ahmed Madoobe  H-Abdikariin Guleed   I- dhamaantood.

Source:-BBCsomali

Cammaara2015

breaking news & current latest somalian news headlines; national weather forecasts & predictions, local news videos, money and financial news; sports ...

You May Also Like