Beesha Biyamaal Warkeedii oo qaraxii Degmada afgooye markhaati ka noqday.

In badan ayaan idaacadaha iyo website-yada ka maqalnay ama ku aragnay Beesha Biyamaal oo dacwad ka ah ciidanka dawladda ,kuwaas oo ku sheega iney yihiin haraadigii mooryaanta ka qawlaysan jirtay Gobolada Shabeelada hoose iyo Baay.

Marka laga soo bilaabo  intii ka danbeysay dawladdii uu madaxweynaha ka ahaa Abdiqasim ayaa laga bedelay magacii mooryaanta looguna yeeray ciidan dawladeed , ganacsato beeraleey iyo mas’uuliyiin ka socda hay’adaha dawladda sida wasaaradda maaliyadda iyo Nabad Sugidda. waxaa intaa dheer in loo sharciyeeyey isbaaradii laguna magacaabay dakhli dawladeed iyadoo aysan jirin wax dakhli ah oo loo xereey Federaal iyo Maamul Gobol.

Marar  badan ayaa halkaa waxaa ka dhacay isku dhac mooryaan , kuwaas oo inta badan  ka soo kala jeeda beesha Hawiye (Abgaal ,Habargidir iyo Murursade),balse markasta si loo khaldo Ummadda iyo caalamka waxaa lagu magacaabaa dagaal dhexmaray ciidanka dawladda iyo alshabaab, su’aashu waxay tahay aaway taladii dadka reer afgooye iyo Maamulkii Koonfur Galbeed

Haddii aan eegno dhacdadii ugu danbeysay ee ka dhacday afgooye ,waxay wararku sheegeen in alshabaab soo weerartay kuna leysay ciidankii dawladda ee halkaas joogay kana qaadatay wixii hubyiilay goobtaas isla markaana dib ugu noqdeen saldhigoodii oo aan sidaa uga fogeyn degmada Afgooye una jira toddoba km. haddaba waxaa isweydiintu tahay haddii la garanayo saldhigooda maxaa wax looga qaban waayey sidee se ku dhacday in ciidanka dawladdu qabsado Baraawe iyagoo shabaab saldhig ku leeyihiin Afgooye, haddii aan si kooban u sheegno wax shabaab la yiraahdo oo ka jira Gobolka shabeelada hoose ma jiraan ayey isku raaceen dadka degan Gobolka , waxayna ku sheegeen iney yihiin  dad ka soo hayaamay gobolada dhexe oo ku dagaalamaya Isbaarooyin iyo beerihii shacabka iyo dawladda.

Somaalidu waxay tiraahdaa hashu maankey iga gadaye ma masaar bey laqday, waxaa taa ka dhigan waxa ka socda Gobolka Shabeelada Hoose oo ilaa iyo hadda dawladdu ay u aqoonsan la’dahay Beelaha asal ahaan u degan iney u madax banaadaan maamulka degaanadooda ,  Sida ay ugu aqoonsan tahay Gobolada Galmudug iyo Puntland ,isla markaana  xal  ugu  raadineyso waxa ka dhex taagan labadaa Beelood ,halka ay kuwan ku sanduleyneyso iney raali ku noqdaan mooryaan boqol shaar ay u soo gelisay.

Beesha Biyamaal iyo Beelaha ku dhaqan Gobolka SHabeelada Hoose ayaa meelo badan ka caddeeyey mowqifkooda ah iney  ka go’an tahay ineysan  dib danbe ugu dulqaadan dhibatada wax magaratada aan IImaanka iyo diinta lahayn, magaca ay doonaan ha sheegteen, isla markaana waxay ugu baaqeen beelaha Hawiye gaar ahaan wax garadka ,culimada iyo aqoonyahanka Habar-Gidir iney  wax ka qabtaan dhibaatada dadka iyo deegaanka ay ku hayaan mooryaanta u nasab sheegata , isla markaana ay u turaan duugooda danbe iyo wada jirka somaliyeed.

Ugu danbeyntii Beesha Biyamaal iyo dadka degan Gobolka Shabeelada Hoose ,waxay shacabka Somaaliyeed u cadeynayaan  in dadka la dagaalamaya oo magaca dawladda huwani yihiin  dadkan ku halaagsamay afgooye iyo qaar kale oo badan oo dhamaantood ka soo jeeda Gobolada dhexe.

1- Gashaanle dhexe Ahmed Abdulqadir Cabdulle(Gorod)      Hawiye         Habar-Gidir          Sacad       Reer Jalaf.

2- Kabtan Abdi Xasan Cabdulle ( Boqol  )                                  Hawiye          Habar Gidir          Duduble

3- Cali Cabdi Yusuf                                                                          Hawiye         Habar-Gidir           Sacad

4- Abdifataax Ahmed Cartan (Gaani)                                          Hawiye         Habar-Gidir          Sacad

5- Maxamed Dahir Farax (Qooleey) Maaliyadda                     Hawiye          Habar-Gidir         Suleymaan.

 

Soomaalidu waxay tiraahdaa Saddex kaama hadho ,Nasabkaaga,Nasiibkaaga iyo Nabsiga.

 

 

 

 

 

 

 

Cammaara2015

breaking news & current latest somalian news headlines; national weather forecasts & predictions, local news videos, money and financial news; sports ...

You May Also Like