Xildhibaan Gaarane Geesi aan Habran Dadkiisa iyo Dalkiisa.

Dabeecadaha Alle dadka ku abuuray ayaa waxaa ka mid ah iney wax doortaan ,taasi oo uu hogaamiyo caqliga, isla markaana uu caqligu ku saleeyo halbeegyo kala duwan sida faa’iido , khasaare,

nin jecleysi,dan gaar ah iyo dan guud iwm. hadaba inta badan doorashadu waxay ku aroortaa laba wadiiqo , tan hore  waa mid ku saabsan dan qof  leeyahay sida guur ,shaqo ,iib ,doorashada

noocan ahi waa mid ku saabsan qof, inta badan wax saameyn aha kuma yeelato guusheeda iyo guul daradeedu dadka intiisa badan, balse tan labaad waa doorasho Ummadeed oo ah sida ku cad oraahdeeda,waana mid ka xeel dheer kana guda ballaaran taa hore guusheeda iyo guuldaradeeduna si toos ah iyo si dadban saameyn ula yeelaneyso ummadda, haddaba waxaa haboon in aan lagu deg degin si aqoon iyo caqli ku dhisan loo  gorfeeyo  iyadoo loo eegaya waqtiga adag iyo duruufaha dalku marayo.

Haddii aan ku soo dhowaano dulucda iyo biyo dhaca maqaalka ,waxaa lagu jiraa xiligii doorashooyinka waxaana la is weydiinayaa yaan dooranaa,shaqsiyaadka u taagan doorashada waxaa ka mid ah Mudane

Xildhibaan Abdinaasir Gaarane ,haddaba waxaa la isweydiin karaa waa kuma Abdinaasir Gaarane , si aan taa jawaab ugu helno waxaa haboon in aan dib u jaleecno wax qabadkiisii muddadii uu xilka hayey si kooban

Mudane gaarane waa kii lugihiisa ku tegey degaano badan si uu u difaaco xaqooda iyadoo ay ku gudbanaayeen duruufo adag iyo colaado heer walba leh taas oo aysan suurto gal u ahayn dad badan,degaanadaas

waxa laga xusi karaa shaqaaqooyinkii Deefoow , Kabxanleey , Raaxoole,Bacaadweyne iyo xeraale ,sidoo kale waxaa xusid mudan safaradii uu ku tegey gobolka gedo degaanadiisa bohol garas iyo Qooney isagoo u

kuur gelaya xaaladda nololeed ee dadka iyo mashaariicda horumarineed sida dhismaha dugsiya ,ceelasha biyaha nadiifka leh iyo rugaha caafimaad. dhanka kale sidii uu uga hawlgalay xaqiijinta iyo soo dhicinta

xuquuqda dhalinyaro badan haddi ay tahay mid waxbarasho, shaqo ee heer federaal iyo mid gobol, jawaabta yaan dooranaa waa mid adiga kuu taal.

Xoortii xagaaga laga dhamiyo xusuus baa geela lagu xero geeyaa”

 

 

Cammaara2015

breaking news & current latest somalian news headlines; national weather forecasts & predictions, local news videos, money and financial news; sports ...

You May Also Like