Mudane Mahad Cabdalle Cawad Ruug caddaa Siyaasadeed

Dhibaatooyinka burbur ee ku dhacay dalkeena ,waxaa ka weyn tan dadkeena ku dhacday oo u dhiganta rubuc qarni ,kaas oo ah xilliga ay jiilasha isku xiga isu baneeyn lahaayeen

xilka gudashada nolosha heer kasta ay tahay ,haddii ay tahay mid qoys iyo mid qaran. dhibaatooyinka haddaba dhacay waxaa ka mid ah in jiilkii maanta la wareegi lahaa xilka qaranka meesha ka baxay

taasina ay keentay in mid u qalma iyo midaan u qalminba kabaha u soo xirto , isagoo u haysta in siyaasaddu tahay oo keli ah sheeko iyo hadal badni meelaha lala istaago.

waxaa sharaf iyo qadarin ugu filan  beesha Surre in Mudane Mahad Cabdalle Cawad ku masalo magacooda golayaasha qaranka ,somalidu waxay tiraahdaa madax kasta lama duubo.

Mudane Mahad marka laga yimaado kartida iyo dadnimada Alle u dhaliyey waa aqoon yahan ku takhasusay cilmiga siyaasadda, hal abuurna leh oo wax soo kordhin kara, isla markaana ka soo jeeda qoys

diplomasiyadda ku soo jiray muddo fog. runtii waa talaabada loga baahan yahay in ay beelaha kale ee Somaaliyeed uga daydaan beesha Surre,si loo helo dawladnimo taaba gasha,balanteenu waa in markasta

magaceena la huwiyo ruux u qalma oo kartideeda iyo aqoonteeda leh.

Cammaara2015

breaking news & current latest somalian news headlines; national weather forecasts & predictions, local news videos, money and financial news; sports ...

You May Also Like