Qurba Joogta Beelaha Habardeel iyo Nacdoor oo ka dareen Celiyey Caddaaladda Qayaash Maash.

Qurba joogta laba Maxamed ayaa dareen xun ka muujiyey sida aan xurmada iyo xishoodka lahayn ee  ergada Puntland ee beesha Dir loo qaybsaday ,iyagoo

isla markaana ku raacsan wax garadka labada beelood ee goobta joogay oo  uu ugu weyn yahay Ugaas Maxamed Siciid Xasan (Ugaas Kalleelo).go’aankii ay qaateen.

Wax garadka  qaar ayaa ku dooday in ay habooneyd in looga kaco shirka ,dadka sidaa wax u dhigay kuna tilmaamay iney ahaayeen dad

aan weligood talin ,horaa loo yiri nimaan talin jirin hadduu taliyo nimaan tegi jirin baa taga. dhanka kale ayaa waxay qabeen in ay habooneyd

in qeybtaba ay iska daayaan oo ay liis iska soo qortaan korkana kaga qoraan waxay doonaan .

Runtii dhaqanka noocaas ah qurba joogtu waxay ku tilmaameen inuu yahay mid dad kala fogeynaya magac xumo iyo ma hadhooyinna keeni kara ,haddii aan garoowshiiyo laga bixin,ergadu

waa dad wax dooranaya ee ma aha dad la dooranayo ,taasi waxay markhaati cad u tahay dadka ergo kuu quuri waayey in aaney wax ka shisheeyana kuu quureeyn.

Taladaa seegtay ee  waxay ku habooneyd in saddex mid ka mid ah  la qaato oo wax lagu qeybsado.

1- Abdalle iyo Adeerkood (2 meelood Abdalle ,1 meelna Adeer 34/17)

2- Habardeel ,Maxamed Abdalle ,Saleebaan Abdalle iyo Hogor Abdalle(tiro iyo madax lagu saleeyo).

3- Saleebaan Abdalle la wada siiyo eed la’aan (51).

Gabagabadii iyo gunaanadkii waxaa la isku raacay baaq ah  in odayada dhaqanku si deg deg ah wax uga bedelaan  sida wax ku socdaan ,

haddii la doonayo wada jirka iyo midnimada beeshu iney waarto

                  Nin Dharbaaxo quureed  dugsaday dhaqalyadeed maalye, dhashaadeey sugtaa xaajadaad dhawrataa abide.

 

 

 

 

bad14

 

 

Cammaara2015

breaking news & current latest somalian news headlines; national weather forecasts & predictions, local news videos, money and financial news; sports ...

You May Also Like