Warbixin Dhamaystiran Iyo Xog Faahfaahsan: Maxkamaddii Dhinacyada UCID Iyo Sidii Wax u Dhaceen.

Sida muuqatay waxa ay Maxkamadda Sarre ee Distooriga ah u ahayd maalin caadi ah, lakiin dhinacyadii UCID ee is hayay marnaba ma u ahayn maalin caadi ah. Maxkamadda Distooriga ah ayaa dhegaysanaysay, go’aan kama dambays ah na ka gaadhi doonta muran soo jiitamay oo ragaadiyay xisbiga UCID. Wakiilada Qarannews.com midkood ayaa dhagaysigaas ka qayb galay bilow ilaa dhamaad, sidii ay wax u dhaceen ayaa uuna inooga waramayaa. Maxkamaddii ayaa uu ina dhex joojinayaa, waxa uuna qiimaynayaa dood-afeedkii labada dhinac ay hor keeneen xaakimyada iyo dadwaynihii dhegaysanaayay intaba.

Ku dhawaad saacaddu markii ay ahayd 9:45, ayaa ay Maxkamadda soo galeen 11 Qaaddi oo uu hogaaminaayo Gudoomiyaha Maxkamadda Sarre ee distooriga ah, Mr. Aadan Xaaji-cali, waxa ayna xidhnayeen dharka madow ee ay caanka ku yihiin. Mar keliya ayaa dadweynihii dhagaysiga ka soo qayb galay, looyaradii iyo dhinacyadii xisbiga UCID oo meesha buuxiyay ay wada istaageen. Taageerayaashii labada dhinac, haba u badnaadeen dhinaca Jamaal, ayaa soo buuxiyay dhismaha Maxkamadda, banaanka na dhoobnaa. Dareenka guud ee dhinacyadu waxa u ahaa mid isku dhafan – mararka qarkood kalmado kaftan ah baa la isku tuuraayay, mararka qaarkood na, isha uun baa la iska eegaayay.

Furitaankii Maxkamadda waxa dib u dhigay Gudoomiye Faysal oo meesha ka maqna, taas oo la sheegay in xaflad jaamacadeed lagu marti qaaday. Maxkamadda iyo looyaradiisa ayaa u yeedhay marba Hadii uu ahaa qofka racfanka qaatay. Sugitaan aan sidaas u dheerayn ka dib, Faysal ayaa soo galay, Maxkamaddii na waa ay bilaabantay. Gudoomiyaha Maxkamadda, Mr Aadan Xaaji-Cali ayaa ku dhawaaqay in dhegaysigu rasmi ahaan uu furmay, labada dhinac na laga doonaayo in ay soo ban dhigaan dood-afeed ay ku dhamays tirayaan wixii ay qoraalka ku soo gudbiyeen, marka ay sidaas sameeyaan na, labada dhinac ba ay qaadiyadu waydiin doonaan su’aalo dheeraad ah. Dhinacyada is hayay waxa midkiiba matalaayay saddex looyar, dooddii na waxa ku horeeyay dhinaca Faysal. Waxa dooddooda soo ban dhigay laba ka mid ah saddexdii looyar, waxaana ugu mudnaa saddex qodob oo kala ahaa:

1. In aanay garanaynin cid cayiman oo ka dacwootay Gudoomiye Faysal iyo xisbiga toona, gal-dacwadeedka meesha yaalla na aanay ku qeexnayn cid xaq u leh in ay wax dacwayso.

2. In ay diidanyihiin go’aankii 21 July, 2016 ay gadhay gudigii arinta xisbiga eegtay, taas oo ay ku dhaliileen in ay awoodeeda wax ka baxsan ku kacday. Waxa ay sheegeen in Gudigaas Diiwaan-gelinta Xisbiyadu ay ku hagaagsanayd in ay sheegto in loo baahanyahay shirwayne lagu qabyo tiro wixii xisbiga qabyo ka ah, laakiin ay ku qaldantay in ay amarto in ergooyin is leegi ay ka kala yimaadan labada dhinac, isla markaana, ay gudi isku dhaf ahi shirka qabanqaabiso.
3. Qodobka saddexaad, uguna muhiimsanaa doodda Faysal iyo dhinaciisu waxa ay ahayd, in heshiiskii garabkii UDUB ee Jamaal iyo UCID ay ku midoobeen July 2012, uu wakhtigiisii dhacay, xiligan na aanu meel-mar ahayn. Heshiisku waxa uu dhigayay in musharixiinta la doortay (Jamaal iyo C/rashiid) ay xisbiga UCID u tartamayaan doorashada ku mudaysan June 2015, xiligaas na waa la soo dhaafay, heshiiskii na waa burray kol Hadii manta 2016 la joogo ayaa ay yidhaaheen.

Dhinaca kale, waxa iyakuna dood weerar-celis ah oo adag badka keenay kooxdii looyarada ahayd ee Jamaal iyo garabka UCID ee isaga taageersan matalaysay. Sida muuqatay waxa ay si wacan uga faaiidaysteen fursadii ay haysteen ee ahayd in ay kooxda ka soo hor jeeday doodda uga dambeeyeen. Wixii gol daloolo qaanuun ama siyaasadeed ahaa ee kooxda kale ka muuqday ayaa ay ka jawaab celiyeen, dooddii iyaku ay soo dhisteen na waa ay keeneen. Garabka Jamaal waxa ugu mudnaa dooddooda shan qodob, kuwaas oo kala ahaa:

1. In ay ku qanacsanyihiin go’aankii 21 July, 2016, kaas oo ay u arkaayeen, welina u arkaan, in uu xal-dhexdhexaadin ah u ahaa mushkiladda xisbiga. Waxa ay sheegeen in gudigaasi ay tix raceen heshiiskii asalka ahaa ee la gaadhay xiligii garabka Jamaal ay xisbiga ku biireen, kaas oo sheegaayay in si wada jir ah loo qabto shirkii Golaha dhexe ee xisbiga, iyo shir wayne ka sii dambeeya oo ansixiya go’aamada ka soo baxay fadhigii Golaha dhexe iyo heshiiskii ka horeeyayba. Waxa ay sheegeen, aad na muhiim u ahayd, in sida heshiiskaasi ba dhigaayay, loo baahanyahay qabsoomidda shirwaynaha xisbiga, kaas oo laga rabo in uu ansixiyo oo keliya wixii hore la isula gaadhay, Golaha Dhexe ee xisbigu na meel mariyay.
2. Sharci jabin: In xeerarkii xisbiga iyo heshiisyadii la gelay ba uu ku tuntay Gudoomiye Faysal, ayna tahay in xisbiga laga badbaadiyo. Waxa ay tusaalayaal u soo qaateen in uu Gudoomiyuhu si xeerka ka baxsan oo iskii ah ugu dhawaaqay in uu eryay xoghayihii Golaha Dhexe ee xisbiga oo shirwayne lagu doortay, isla markaana uu iskii u magacaabay Xoghaye cusub. Sida oo kale, waxa uu Gudoomiyuhu iskii ugu dhawaaqay in uu Gudoomiye ku xigeenkii xisbiga eryay, badalkiisa na qof kale uu soo magacaabay. Sida xeerka Xisbigu dhigaayo, xubnaha hogaanka xisbiga waxa magacaabi kara ama eryi kara uun shirwayne, Gudoomiyuhu na awood ma u laha haba yaraatee.
3. Sheegasho musharaxnimo aan sharci ahayn: Gudoomiyuhu waxa uu sheegtay in uu yahay musharaxa xisbiga ee doorashada soo socota, taasi na ay tahay sababta khilaafkan oo dhami u dhacaayo. Waxa ay looyaraddu sheegeen in xeerka xisbiga iyo sharciga wadanka (Xeer 14) ba ay dhigayaan in aan qof xisbiga ka mid ah laba jeer wax ka badan loo dooran Karin gudoomiye iyo musharax toona, doonitaanka Faysal na uu xeerarkaas iyo heshiiskii Jamaal lala galay ba ka hor jeedo, sharci darro na yahay. Sida oo kale, waxa ay sheegeen in qofka ka mid ah hoganka xisbiga (Gudoomiyaha, afarta ku xigeen, Xoghayaha iyo ku xigeenkiisa), hadii ay doonaan in ay madaxweyne ama ku xigeen isu sharaxaan, looga baahanyahay in ay ka degaan xilalka ay hayaan, taasna aanu Faysal samaynin.
4. Ku takri fal hanti xisbi: Gudoomiyaha waxa lagu eedeeyay, cadaymo na loo keenay, in uu burburiyay nidaam xisaabeedkii iyo hay’adihii xisbiga intaba. Waxa la sheegay in aanu afar sanno shir isugu yeedhin Golaha Dhexe iyo Gudiga Fulinta ee xisbiga toona, dadkii hay’adahaas ku jiray oo dhami na ay iskaga tageen oo keligii uu soo hadhay. Waxa la tilmaamay markii ay sidaas noqotay, in uu keligiis isu yahay xoghaye maaliyadeed, dhaqaalaha xisbiga na aan xisaab xidh loo samaynin oo uu ku takri falo.
5. Jawaab celin: looyarada garabka Jamaal waxa ay ka jawaabeen qodobadii doodda Faysal ee ahaa in aanay aqoonin cidda muduciga ku ah, iyo in heshiiskii musharaxiinta lala galay uu wakhtigiisii dhacay. Looyaraddu waxa ay sheegeen in heshiisku aanu sida buskudka iyo caanaha oo kale khaa’is noqonin, uuna taagnaanaayo ilaa inta ay doorasho ka dhacayso sida lagu heshiiyay. Sida oo kale, waxa ay si qurux badan u sheegeen in cidda ay Faysal is hayaan ay tahay ciddii xisbiga la yeelatay ka dib heshiiskii July 2012, ayna tahay ciddii gobolada iyo degmooyinka magaceeda lagaga ololeeyay, taas oo ah sababta uu xisbigu kaga soo gudbay doorashadii is reeb-reebka ahayd ee 2012.

Kolkii ay halkaas maraysay, ee labada dhinac ba ay dood muhimadeedu noocaas ahayd is dhaafsadeen, waxa bilaabmay su’aalihii qaadiyaddu ay dhinacyada waydiiyeen oo ahaa kuwo aad muhiim u ahaa. Intaas ka hor, waxa xusid mudan in dhinaca Faysal oo loo jeediyay eedaymo baladhan oo kala duduwan aanay marnaba iska daaficin. Eedaha xeer jabinta, gaar ahaan magacaabista ama eryidda masuuliyiin ka mid ah hogaanka xisbiga, lunsiga hantida xisbiga, daciifinta hay’adaha xisbiga iyo musharaxnimada Faysal ee aan sharciga waafaqsanayn midnaba waxba ma ka odhanin. Su’aalihii qaadiyada oo koobnaa waxa lagu bilaabay dhinaca Jamaal, waxaana la waydiiyay in ay shirkii u dambeeyay ee Golaha Dhexe gudi isku dhaf ahi qabatay iyo in kale? Jawaabtii waxa ay noqotay – haa, gudi wada jir ah ayaa qabanqaabisay, kharashka shirka na waxa bixiyay dhinac keliya, kaas oo ahaa dhinaca Jamaal.

Su’aasha xigtay, oo ku socotay dhinaca Faysal, waxa ay ahayd, maxaa aad ku diidantihiin in shirwaynaha xisbiga gudi wada jir ahi ay qabanqaabiso sida uu dhigaayo heshiiskii aad ku midowdeen July 2012? Waxa ay ku jawaabeen in aanu heshiiskaasi sidaas dhigaynin; laakiin qaadiyadda midkood ayaa qodobki heshiiska u akhriyay, jawaab waafi ah na ma ay ka bixinin. Arinta se ugu xiisaha badnayd, aad na loogu qoslay waxa ay ahayd markii uu Faysal dalbaday in uu hadlo, waxa una doonaayay in aan maxkamadda horteeda lagu daarin video laga duubay shirkii Golaha Dexe ee xisbiga, kaas oo heshiiskii labada dhinac isla gaadheen lagu ansixiyay. Gudoomiye Faysal waxa uu yidhi – ma loo baahna in video gaas la daaro, aniga ayana idiin cadaynaaya in G/Dhexe ee xisbigu shiray, musharaxiinta na la ansixiyay, aniga ayana ka mid ahaa dadkii gacanta u taagay, laakiin heshiiskaas waxa loo baahanyahay in dib loogu noqdo oo sharciga la waafajiyo. Waxa is qaban waayay qiraalkiisa ah in heshiiskaasi uu G/dhexe ee xisbigu ansixiyay, golahaas oo ah hayadii xisbiga u saraysay inta laba shir wayne u dhexaysa, iyo waxani heshiis ma ahayn ee waxa uu ahaa uun is faham siyaasiyiin dhex maray oo keliya.

Al-muhim, marka la isku soo wada ururiyo dooddii iyo dood-celintii labada dhinac u dhexaysay oo aad u kala fogayd, waxa kaliya ee la isugu soo ururin karaa in labada dhinac ay isla ogolaadaan in ay shirwaynihii Xisbiga si wada jir ah u qabsadaan sidii ay xukuntay Gudigii Diiwaan-gelinta xisbiyadda iyo ururaddu. Dhinaca Faysal waxa u muuqatta sababta UCID loo soo faro gelinaayo qaabka ay shirka u qabsanayaan, halka aan xisbiyada kale laga hadlin, laakiin waxa ay ilawsanyihiin amaba is ilowsiinayaan, in UCID uu ku jiro xaalad gooni ah, uuna laba dhinac oo aan is aaminsanayn u kala fadhiyo. Labadaas dhinac midkoodna gooni shir ma u abaabuli karo, go’aanka maxkamadu na ma noqon doono mid daaweeya gebi ahaanba cuduradda UCID, waxa ay se Maxakamaddu ku khasbi kartaa in ay dhinacyaddu wada qabsadaan shir ay wada abaabulaan, ergooyinkiisa na qaybsadaan. Waa qaab xeer jajab ah oo daawo u noqon kara xaaladda Xisbiga UCID ee aadka u cakiran. Wixii aan sidaas ahayni ba, waxa uu sii fogaynayaa cudurka xisbigan, waxa uuna sii galayaa god aanu ka soo bixi Karin. Waxa xusid mudan, in Maxkamadda oo u dahcaysay qaab karti iyo xirfadi ka muuqato, lagu xamanaayay in ay xukuumaddu gadaal ka fadhido, haddii se taasi ay beenowdo, oo wax cadli ku dhisan ay xukumaan, waxa ay aad kor ugu qaai sumcadda hay’adaasi iyo dadka ka hawl gala. Hadii madmadow soo baxo na, mushkiladdii xisbigu ma damayso, waxaana soo bixi doona laba UCID, laba Gudoomiye iyo laba musharax.

Cammaara.ca
Sahal114@Hotmail.com
Aden79@gmail.com

 

Cammaara2015

breaking news & current latest somalian news headlines; national weather forecasts & predictions, local news videos, money and financial news; sports ...

You May Also Like