Ra’iisul-Wasaaraha Soomaaliya Oo Ku Soo Wajahan Magaalada Garoowe Ee Caasimadda Puntland

Ra’iisul-wasaaraha Xukumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa maanta ku soo wajahan magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Qaban qaabo lagu soo dhawaynayo, Cumar C/rashiid Cali ayaa ka socota Garoowe, waxaana la sheegay in Mas’uuliyiin iyo dadweyne badan ay ka qayb qaadanayaan.

Ra’iisul-wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa la sheegay inuu la kulmi doono, Madaxweynaha Puntland, Salaadiin iyo Waxgarad ku sugan magaalada Garoowe.

Safarka Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ee Garoowe ayaa ku soo aadaya xilli uu Musharax yahay, waxaana la sheegay inuu doonayo inuu olo-lihiisa doorasho ka bilaabo Puntland.

Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland iyo Dadweyne aad u tiro badan ayaa gaaray Gegida Diyaaradaha ee magaalada Garoowe, si ay uga qayb qaataan soo dhawaynta Ra’iisul-wasaaraha.

Cammaara.ca
Sahal114@Hotmail.com
Aden79@gmail.com

 

Cammaara2015

breaking news & current latest somalian news headlines; national weather forecasts & predictions, local news videos, money and financial news; sports ...

You May Also Like