Wafdi Ka Socda dowlada Federaalka iyo IGAD Oo Gaaray Degmada Jowhar

Magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada Dhexe waxaa gaaray wafdi ka socdo wasaaradda Arimaha Gudaha ee dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Urur goboleedka IGAD.

Wafdiga  oo ka ambabaxay magaalada Muqdisho ayaa ujeedada safarkiisa ay la xiriirtaa sidii maamulka Shabeelada Dhexe iyo waxgaradka ka soo jeeda deegaanada maamulka ay ugala hadli lahaayeen dardar-galinta howlaha maamul u sameynta gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe oo in muddo hakad ku jiray.

Booqashada wafdiga ay ku gaareen magaalada Jowhar ayaa ku soo beegmeysa xilli Reysul wasaaraha Soomaaliya, Cumar Cabdrashiid Cali “Sharmaarke”  uu sheegay in go’aanka maamul u sameynta gobolada Hiiraan iyo Shabellada Dhexe laga soo saari doono shirka Madasha Wadatashiga Qaran ee  ka furmay magaalada Muqdisho.

Cammaara.ca
Sahal114@Hotmail.com
Aden79@gmail.com

Cammaara2015

breaking news & current latest somalian news headlines; national weather forecasts & predictions, local news videos, money and financial news; sports ...

You May Also Like