Maxkamada ciidamada Qalabka Sida Ee Puntland Oo Xukuno Ku Riday Shabaabkii Ku Xirnaa Garowe(Sawirro

Maxkamada ciidamada qalabka sida dowladda Puntland ayaa maanta xukuno kala duwan ku riday maxaabiistii Alshabaab ee lagu hayay xabsiga dhexe ee garowe, kuwaas oo aan horey maxkamad loosoo taagin.

Xukunka maxaabiistaan oo ka dhacday Maxkamada darajada koowaad ee Magaalada Garoowe ayaa waxaa ku dhawaaqay xeer ilaaliyaha Maxkamada Ciidamada qalabka sida ee Puntland.

Xeer ilaaliyaha maxkamada ciidamada qalabka sida Puntland Cabdkariin Xasn Firdhiye ayaa saxaafada u sheegay in la xukumay 28 kamid ah Shabaabkii dadoodu u dhexeysay 18 jir iyo 15, kuwaas oo lagu riday xukuno u dhexeeya 15 ilaa iyo 20 sano oo xarig ah.

Xeer ilaaliyuhu wuxuu sidoo kale sheegay in qaarka soo haray oo ay dadoodu u dhaxeyso 15 ilaa iyo 10 sano jir islamarkaana tiradoodu dhan tahay 26 maxbuus in lagu xukumay dhaqan celis lagu sameeyo.

xeer-ilaaliyaha-puntland-1

Maxkamada ciidamada qalabka sida Puntland ayaa horey xukuno dil ah ugu riday 43 kamid ah Shabaabkii lagu qabtay dagaaladii ka dhacay xeebaha Nugaal iyo Mudug, inkastoo ay weli ku maqan yihiin racfaankii ay ka qaateen xukunkaas.

Hay,ada u doodada xuquuqda aadanaha ayaa dhaleeceeyey xukunka ay puntland ku riday 43 kamid ah Shabaabkii lagu soo qabtay deegaanada Suuj iyo Garacad iyagoo sheegay inay aysan qaan gaarin balse puntland ayaa sheegtay inay u adeegsatay xukunkooda shareecada Islaamka.

Cammaara.ca
Sahal114@Hotmail.com
Aden79@gmail.com

Cammaara2015

breaking news & current latest somalian news headlines; national weather forecasts & predictions, local news videos, money and financial news; sports ...

You May Also Like