DHAGEYSO: Dagaalka Yuusuf Daba Geed & Wariye Wareysi Ka Qaaday

Maamulka Gobolka Hiiraan Ee Dawlada Soomaaliya ayaa waxay ka hadleen qeybsiga Xildhibaanada Maamulka Lagu dhisayo Magaalada Jowhar.

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Xagar (Daba geed) ayaa maanta oo Talaado ah sheegay in waxba aysan ka gelin shirka Jowhar cid matasha Gobolka Hiiraana aysan halkaasi kusugneyn.

HALKAAN RIIX SI AAD UDHAGEYSATO CODKA

Yuusuf Daba geed ayaa sheegay in 7 Ugaas ay Hiiraan kusugan yihiin Jowharna Labo Ugaas keliya ay joogaan sidaa awgeedna ay mateli karin Labadaasi ugaas Danaha Shacabka Hiiraan sida uu hadalka udhigay.

Waxa mas’uulkaasi sheegay in Shirka Jowhar wax walbo oo kasoo baxa aysan aqoonsan doonin oo Hiiraan meel ka mid ah la keeni doonin.

Wasaarada Arimaha Gudaha ayaa lagu Eedeenayaa Maamul Sandulees ah inay ka yagleeleyso Magaalada Jowhar xilli dad miisaan leh ay Shirka ka maqan yihiin oo kasoo jeeda Gobolka Hiiraan.

Cammaara.ca
Sahal114@Hotmail.com
Aden79@gmail.com

 

Cammaara2015

breaking news & current latest somalian news headlines; national weather forecasts & predictions, local news videos, money and financial news; sports ...

You May Also Like