XOG: C/weli Gaas Oo Muqdisho Ka Wada Arrin Ay Ka Nixisay Reer Puntland Sababtu Waa ?

Madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa isku bedalay u ololeeye madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo ku lamaansan siyaasadda Villa Soomaaliya.

Gaas ayaa shalay magaalada Jowhar u raaci lahaa madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana xogtu tilmaameysaa in uu garab siinayo Xasan Sheekh Maxamuud, kuna garbinayo in mar kale uu soo laabto.

Qof ku dhow Madaxweyne Gaas ayaa inoo sheegay in habeen kahor uu dhacay heshiis is faham ah oo ku saabsan Gaas iyo Xasan Sheekh, lagu doonayo mar kale in lasoo celiyo Xasan.

Shacabkaa Puntland oo madaxweynahooda Labo todobaad uga soo maqan yahay Muqdisho aad bay arrintan uga xumaadeen, waxayna sheegayaan in hadda macquul aaney ahayn in madaxweynahooda isku bedalo ololeeye.

Cammaara.ca
Sahal114@Hotmail.com
Aden79@gmail.com

Cammaara2015

breaking news & current latest somalian news headlines; national weather forecasts & predictions, local news videos, money and financial news; sports ...

You May Also Like