Marekanka Oo Sheegay Duqeyn Inuu Ku Dilay Xubno Ka Tirsan Ururka Al-Shabaab Ee Soomaaliya

 

Marekanka ayaa warbixin ka soo saaray howlgal uu ka fuliyay deegaanka Tooro-toorow ee gobolka Shabeellaha hoose oo ka tirsan koonfurta Soomaaliya,waxaana lugu beegsadey saldhig ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan ururka al-Shabaab ee dagaalka kula jira dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Howlgalkan waxaa qayb ka ahaa ciidamo Soomaali ah,sida lugu sheegay warbixin ka soo baxdey taliska ciidanka Marekanka ee Afrika,waxaana la sheegay in toogasho lugu dilay afar xubnood oo ururka al-Shabaab muhiim u ahayd.

Captain Genever Derekiz oo u hadashay taliska Marekanak ee Afrika,waxaa ay sheegtay in koox si aad ah u hubaysan oo dagaallamayaasha al-Shabaab ay weerarren ciidamada isbaheysanaya ee ka qeyb qadanaya dagaalka ka dhanka ah argagexisada oo ciidanka qaranka Soomaaliya hogaminayaan waxana ay u hanjabeen ammaanka iyo nabad-galyada askartaasi.

Xubnaha waxaa la sheegay in lugu dilay duqeyn dhacday maalintii Isniintii ee toddobadkan,waxuuna ku soo aaday weerarkan markii bishii May ee an ka soo gudubnay duqeyn uu fuliyay Marekanka lugu dilay,Cabdullahi Xaji Daa’uud oo ka mid ahaa qorshayaal dajiyaasha al-Shabaab gaar ahaan isku xirka weerarrada Kenya,Soomaaliya iyo Uganda.

Cammaara.ca
Sahal114@Hotmail.com
Aden79@gmail.com

Cammaara2015

breaking news & current latest somalian news headlines; national weather forecasts & predictions, local news videos, money and financial news; sports ...

You May Also Like