Faahfaahin Laga Helaayo Dagaal Dhimasho Iyo Dhaawac Sababay Oo Galabta Ka Dhacay Magaalada Marka

 

Wararka aan ka heleyno magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegayo in halkaasi uu ka dhacay dagaal culus kadib markii magaalada lagu dilay nin dadka deegaanka ah iyadoo dhaawac loo geystay Sarkaal ka tirsanaa ciidamada Ammaanka degmada Marka.

Dagaalka oo ka bilowday dilka qof rayid ah oo lagu magacaabayey Maxamed Nuur iyo dhaawac loo geystay Sarkaalka ayaa ku faafay agagaarka Guriga Burcad Badeedda iyo Dabaqa Eng Siid Cali oo labaduba ahaa aagagga ugu darnaa ee rasaasta laga maqlay. Dagaalka ayaa u dhexeeyey ciidamada Ammaanka maamulka degmada Marka iyo kooxihii dilka u geystay Marxuum Maxamed Nuur .

Dilka loo geystay Marxuumkan  ayaa  ka dhacay halka loo yaqaano “Barcadda Magaalada Marka” oo ku taalo bartamaha magaalada. Sarkaalka la dhaawacay oo aanan weli magaciisa helin ayaa la qaaday goobaha caafimaadka si halkaasi looga daweeyo dhaawaca soo gaaray.

Sida aan wararka ku heleyno dilka waxaa geystay kooxo Mooryaan ah oo ka soo baxay dhismaha ay Swisso Kalmomagaalada Marka ka degan tahay, waxayna kooxdan gacan saar la leeyihiin maleeshiyada Alshabaab oo habeenadii raxan raxan u soo galo xaafado ka tirsan magaalada Marka.

Khasaaraha uu geystay dagaalka ka bilowday dilka Marxuum Maxamed Nuur ayaan weli la ogeyn iyadoo dadka deegaanka ay sheegeen in meydad 3 ah ay ku arkeen agagaarka Sarta Burcad Badeedda oo rasaas xoog leh la isku weydaarsaday. Dagaalka ayaa istaagay kadib markii ciidamada Ammaanka oo gaaray ilaa Sarta Burcad Badeedda ay dib ugu soo laabteen saldhigyadii markii hore ay ka dhaqaaqeen.

Xaaladda Amni ee Magaalada Marka ayaa ah mid cakiran laga soo bilaabo bartamaha 2014-ka xiligaasoo maamulkii magaalada Marka ka dhisnaa  ay afgembiyeen maleeshiyaad sheeganaayo Milateriga Soomaaliya oo ka barbar dagaalamaayey maamul mooryaaneedkii la magac baxay Shabelle State.

Cammaara.ca
Sahal114@Hotmail.com
Aden79@gmall.com

X/Markacaday.com

Cammaara2015

breaking news & current latest somalian news headlines; national weather forecasts & predictions, local news videos, money and financial news; sports ...

You May Also Like