Xildhibaanada Gobolka Awdal Oo Xukuumadda Somaliland Uga Digay In Diiwaan Gelin Sharci Darro Ah Laga Sameeyo Degmada Lughaya (Video)

Xildhibaano ka soo jeedo gobolka Awdal oo kulan ku yeeshay magaalada Borama ayaa ugu baaqay xukuumadda Somaliland inay joojiso diiwaan gelin la sheegay in dib looga sameyn doono 6 goob oo ka tirsan degmada Lughaya ee bariga gobolka Awdal.

Xildhibaanada ayaa arintan ku tilmaamay mid khilaafsan dastuurka Somaliland isla markaasina sharci darro ah. Beesha dhexe ee Somaliland ayaa lagu eedeeyey inay dooneyso dhul riixasho ay ka wado degmada Lughaya ee gobolka Awdal oo deris la ah gobolka Saaxil ee xaruntiisa tahay magaalada Berbera.

Qurba-joogta iyo Waxgaradka gobolka Awdal ayaa si kulul uga hadlay arintan la xiriirto dhul riixashada ay bariga gobolkooda ka wado beesha dhexe.

Hoos ka daawo xildhibaanada gobolka Awdal oo arintaan ka hadlaayo:

Cammaara.ca
Sahal114@Hotmail.com
Aden79@gmail.com

Cammaara2015

breaking news & current latest somalian news headlines; national weather forecasts & predictions, local news videos, money and financial news; sports ...

You May Also Like