Shirka Jowhar Oo Si Rasmi Ah u Furmi Doona 3-da September

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in shirka maamul u sameynta gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan uu magaalada Jawhar ka furmi doono maalinta Sabtida ee 3-da bishan September.

Reysul wasaare ku xigeenka Maxamed Cumar Carte  ayaa xaqiijiyay in shirka Jowhar uu si rasmi ah u furmi doona maalinta Sabtida.

Shir Jaraa’id oo ay si wadajir ah u  qabteen Reysul  wasaare  ku xigeenka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte , wasiirka Arrimaha gudaha Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa iyo wakiilka urur goboleedka IGAD Maxamed Cabdi Afeey ayay kaga hadleen dib u bilaabida Shirka maamul u sameeynta gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Ergeyga gaarka ee urur goboleedka IGAD u qaabilsan Soomaaliya Maxamed Cabdi Afey  ayaa sheegay  in IGAD ay dowladda Soomaaliya ka taageereyso  sidii uu dib ugu furmi lahaa wajiga labaad shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Danjire Maxamed Cabdi Afey ayaa sheegay in lagu dhawaaqi doono guddi heer sare ah oo ay ku jiraan IGAD, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Qaramada Midoobay, dowladda Federaalka iyo ururada bulshada rayidka, kuwaasoo ka shaqeynaya dhismaha maamulka labada gobol ee Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Shirka Jowhar ayaa dhowr jeer baaqday kadib markii qaar ka mid ah ergooyinka ka qeyb galaya ay muujiyeen cabashooyin.

Cammaara.ca
Sahal114@Hotmail.com
Aden79@gmail.com

Cammaara2015

breaking news & current latest somalian news headlines; national weather forecasts & predictions, local news videos, money and financial news; sports ...

You May Also Like