Sarkaal Ka Soo Goostay Al-Shabaab Oo Lagu Soo Bandhigay Magalada Muqdisho

 

Hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka ee Soomaaliya, ayaa ku soo bandhigtay magaalada Muqdisho sarkaal la sheegay in uu ka soo goostay kooxda Al-Shabaab.

Horjoogahan ayaa lagu magacaabaa Ibraahim Aadan Ibraahim  oo la sheegay in uu Al-Shabaab u qaabilsanaa arrimaha waxbarashada ururka gobollada Bay iyo Bakool.

Waxaa uu sheegay in uu isaga baxay maleeshiyada, uuna go’aankaas qaatay laba sano ka hor.

Waxaa igu dhaliyay markaan arkay sida looga been sheegayo diinta islaamka iyo dhaqan galinta shareecada islaamka, waliba aniga oo ka faa’iidaysanaya balanqaadkii madaxweynaha ee ku aadanaa in qofkii ka soo laabta Al-Shabaab la cafinayo.” ayuu yiri Ibraahim Aadan

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhowr mar ku celiyey in cid kasta oo si iskood ah uga soo baxsato Al-Shabaab cafis loo fidinayo.

Cammaara.ca
Sahal114@Hotmail.com
Aden79@gmial.com

Cammaara2015

breaking news & current latest somalian news headlines; national weather forecasts & predictions, local news videos, money and financial news; sports ...

You May Also Like