Israel ma-aha Argagaxiso ee Falastiiniyiinta ayaa Argagaxiso ah:Wasiirka Arimaha Dibadda ee Masar Sami Shugri

Wasiirka arrimaha dibadda ee Dalka Masar Sami Shugri ayaa sheegay in howlgallada ay ciidamada  ‘Israa’iil’ ku dilaan Shacabka Falastiin  aan la dhihi karin waa howlgallo Argagaxiso isagoona Yahuudda ku tilmaamay kuwa ammaankoodda ilaashanaya
.

Mar wax laga weydiiyay haddii Ciidanka Yahuudda  yihiin Argagaxiso marka ay fulinayaan weerarada ka dhanka ah shacabka Falasdiin diin ayuu sheegay in dhammaan xeerarka Qaramada Midoobay iyo kuwa caalamiga ah aysan dhigayn in Yahuuddu tahay Argagaxiso isagoona ugu baaqay dadka adduunka ku dhaqan in aysan Yahuudda ugu yeerin Argagaxiso,,wuxuuna si dadban Argagaxiso ugu tilmaamay Shacabka Falastiin ee 69-sanno ay xoog ku heyasato Israel oo dhulkaas qabsatay sanadkii 1948-dii markii la aas-aasay iyo dagaalkii 6-da maalmood ee Carabta iyo Yuhuudda ee 1967-dii.

Ciidamada milleteriga Yahuudda ayaa sanad walba dila Boqolaal Falastiiniyiin ah  ah halka dhalinyarada u istaagta iska caabinta inay iska tuuraan heeryadda gumeysiga lagu hayo   lagu shaabadeeyo Argagaxiso.

Dalka Masar ayaa waqtigan waxaa Madaxweyne ka ah,General Alsisi oo Reer Galbeedka iyo Wadamadda Khaliijka,ay gacan ku siiyeen af-gambigii xukuumadii Shacabka Masar doorteen ee Maxamed-Morsi oo xabi daa*in lagu xukumay,iyadoo sababta ugu weyn ee loo inqilaabay ay aheyd in la  ilaaliyo amniga Israel oo khatar galaY,markii la doortay Morsi oo dhanka Islaamka u janjeera,si toosna u taageersanaa Shacabka Falastiin ee 69sanno dulman

Cammaara.ca
Sahal114@Hotmail.com
Aden79@gmial.com

Cammaara2015

breaking news & current latest somalian news headlines; national weather forecasts & predictions, local news videos, money and financial news; sports ...

You May Also Like