Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Oo Sheegtey In Gacan Bir Ah Lagu Qaban Doono Ciddii Is-Hortaagta Lix Goobood Oo Ku Yaala Waqooyiga M.Hargeysa Oo Muran Xoogani Ka Taagan Yahay

Wasiiru dawlaha wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland Md.Maxamed Muuse Diiriye,oo maanta qaar ka mid ah warfidiyeenada ugu warramayey gudaha magaalada Hargeysa ayaa ka hadlay lix goobood oo laga bilaabayo diiwaangalinta codbixiyayaasha oo ku yaala dhinaca waqooyiga magaalada Hargeysa,goobahaasi oo uu ka taagnaa muran xooggani mudooyinkii u danbeeyeyba.

Odoyaasha iyo wax-garadka waqooyi magaalada Hargeysa ayaa go’aan cad ka soo saarey gooobahaasi,waxaana ay ku baaqeen dagaal haddii lixdaa goobeed ee lagu muransan yahay laga bilaabo diwaangelinta doorashada.

Wasiiru dawlaha wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland Md.Maxamed Muuse Diiriye,ayaa si adag ugu jawaabey hadallada ka soo yeedhey madax dhaqameedka dhinaca waqooyi ee magaalada Hargeysa.

Geesta kale Wasiiru dawlaha wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland Md.Maxamed Muuse Diiriye,waxaa uu farriin adag u direy maamul goboleedka Puntland oo maalmihii uddanbeeyey gobolada bari ee Somaliland ka wadey daan-daansi dagaal iyo colaad hor leh oo deegamadaasi ka bilaabanta.

Cammaara.ca
Sahal114@Hotmail.com
Aden79@gmial.com

 

Cammaara2015

breaking news & current latest somalian news headlines; national weather forecasts & predictions, local news videos, money and financial news; sports ...

You May Also Like