Shirka Waddamada Afrika iyo Japan Oo Ka Furmaya Magaalada Nairobi Ee Dalka Kenya

Shir u dhaxeeya waddamada Afrika iyo dalka Japan ayaa lugu wadaa inuu maanta ka furmaya magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Waxa uu quseeyo shirkan sidii ay wax u wada qabsan lahaayeen dalalka qaaradda Afrika iyo wadanka Japan, waxaana lagu wadaa inay ka soo qaybgalaan in dhow 35 madaxwayne oo Afrikaan ah iyo wufuud kale oo badan.

Shirka ayaa muhiimad u leh laabada dhinac,waa Japan iyo Afrike,waxuuna ku soo aadaya xilli dalka Japan uu doonayo iskaashiga dhinaca ganacsiga ah ee u la leeyahay Afrika kor inuu u qaado.

Ammaanka ayaa aad loo adkeeyay caasimadda Nairobi gaar ahaana halka uu shirku ka furmayo ee xaruunta shirarka caalamiga ah ee Kenya (KICC),waxaa kalo la xiray qaar ka mid ah waddooyinka soo gala xarunta.

 

Cammaara.ca
Sahal114@Hotmail.com
Aden79@gmial.com

Cammaara2015

breaking news & current latest somalian news headlines; national weather forecasts & predictions, local news videos, money and financial news; sports ...

You May Also Like