Mas’uuliyiin Ka Qayb Gashay Kulankii Culimaa’uddiinka Ee Ceeljaalle Oo Kulamo La Qaatay Taliska AMISOM Ee Aagga Degmada Marka (Sawiro)

 

Waxaa maanta deegaanka Ceeljaalle kulan ku lahaa Culimaa’uddiin iyo waxgarad ka soo jeedo beesha Biimaal. Marka laga soo tago Culimada waxaa kulankii maanta goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin caan ka ah degmooyinka gobolka sida gudoomiye Maxamed Cismaan Yariisow, Jeneral C/laahi Waafow, gudoomiyaha martida loo ahaa ee Ceeljaalle, gudoomiyaha Shalambood mudane C/laahi Cali Bocor, gudoomiyaha Buufow Bacaad mudane Axmed Daahir, Saraakiil ciidan iyo mas’uuliyiin kale.

Mas’uuliyiintaan ayaa kulanka Culimada kadib booqday Taliska weyn ee Xerada AMISOM ay ku leeyihiin Ceeljaalle halkaasoo kulamo saacado qaatay ay kula yeesheen Taliska ugu sareeyo ciidamada AMISOM ee aagga Marka.

Dhanka kale, waxaa jiro mas’uuliyiin xaafad ka tirsan degmada Marka ku sugan oo deegaanka ka soo jeedo isla markaasina fariinta Culimaa’uddiinka ay gaartay balse ka gaabsaday inay yimaadaan Kulankii Culimada ee Ceeljaalle, waxaana ka mid ah mas’uuliyiintaas: Gudoomiye Xasan Shiino, Gudoomiye Xasan Cumareey, Wasiir Kuxigeenka Arimaha Gudaha K/Galbeed XusBooqasho-AMISOM9-500x375een Cali Xaaji iyo kuwoo kale oo iyagana ku xareysan xerada AMISOM ee xaafadda Ayuub ee degmada Marka.

 

Booqasho AMISOM Booqasho AMISOM1 Booqasho AMISOM2 Booqasho AMISOM3 Booqasho AMISOM4 Booqasho AMISOM5 Booqasho AMISOM6 Booqasho AMISOM7 Booqasho AMISOM8 Booqasho AMISOM9 Booqasho AMISOM10 Booqasho AMISOM11 Booqasho AMISOM12 Booqasho AMISOM13 Booqasho AMISOM14 Booqasho AMISOM15 Booqasho AMISOM16

Cammaara.ca
Sahal114@Hotmail.com
Aden79@gmial.com

 

Cammaara2015

breaking news & current latest somalian news headlines; national weather forecasts & predictions, local news videos, money and financial news; sports ...

You May Also Like

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *